Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza Faracadde iyo rag la socday oo maanta lagu dilay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo ay maanta ciidamada deegaanka ka sameeyeen aagga deegaanka Daarunimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalka oo si aad ah loo qorsheeyay ayaa waxaa lagu qaaday horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab iyo maleeshiyaad la socday oo ku sugnaa halkaasi, sida lagu sheegay qoraal ay daabacday Warbaahinta Codka Ciidamada.

Sida lagu sheegay qoraalka waxaa howlgalka lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray Xamza Faracadde iyo maleeshiyaadkii kale ee la socday, uuna weerarka u dhacay sidii qorsheeyay.

Xamza Faracadde ayaa ahaa sarkaal muhiim oo argagixisada u qaabilsanaa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo haatan ay culus soo saartay kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalkan oo si taxaddar leh loo diyaariyay ayaa si gaar ah loogu beegsaday horjooge Xamza Faracadde, oo ka mid ahaa horjoogayaasha Khawaarijta u qaabilsanaa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxaa la sheegay in sarkaalkan uu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxyada iyo dhagarta kale ee lagu beegsaday shacabka ku dhaqan gobolladaasi.

Dhankooda saraakiisha deegaanka ee hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in qorshahooda uu kusoo dhammaaday guul, kadib markii la dilay horjoogaha iyo tiro kale oo maleeshiyaad ah oo la socday.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo isla maanta dhacay, laguna dilay horjooge kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Jaabir, kaas oo ay ciidamada Danab ku dileen howlgal qorsheysan oo ka dhacay aagga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magaabi jiray Jaabir iyo sideed dhaqagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ay ka sameeyeen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay dowladda.

Howlgalladan guuleystay ayaa qayb ka ah guluf culus oo haatan ay wadaan ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaano ku yaal labada Shabelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this