Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo la timid xeelad dagaalka oo cusub – Maxaa ka cusub Moqokori?

Recommended Posts

Deeq A.   

Moqokori (Caasimada Online) – Gurmad ciidan oo xoog leh ayaa ku sii qulqulaya aaggaga ku dhaw degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo deegaanada ku dhaw ay soo galeen maleeshiyaad badan oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Tan iyo markii Al-shabaab ay qabsadeen degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, bishii April waxay bilaabeen weerarro ay ku qaadayaan macawiisleyda beesha Xawaadle oo iyagu jilibka dhigtay, kuna dagaalamaya dhulkooda, si cadowgu aysan uga qabsan.

Deegaanada Ceel-Hareeri, Gayacad, Mubaax iyo tuulooyin kale oo hoosta Moqokori, ayey Al-Shabaab ku qaadeen weerarro is dabajoog ah oo ayagana lagu laayey ciidanka iska difaacayana ay ku dhib muteen.

Axadii toddobaadkaan Al-Shabaab waxaa u suurtagashay inay qabsadaan deegaanka Ceel-Qooxle oo ku dhaw maagalada Moqokori, kaas oo ah deegaan istiraatiiji ah, waxaana looga baxay xeelad dagaal, sida ay saraakiishu sheegeen.

Saraakiisha ciidamada dawladda iyo kuwa macawiisleyda beesha Xawaadle ayaa wada abaabul looga hortagayo duulaanka Al-Shabaab, Saraakiishaas waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Owbakar oo ka tirsan barlamaanka Hirshabeelle, kuna sugan difaacyada hore ee degmada Moqokori.

“Meel la dhaho Gayacad ayaan kula dagaallameynay, maalmo dhow ayey soo wareegteen, deegaanka Ceelqooxle oo Gumaraha hadda aan joogo u jira saddex ilaa iyo afar KM ayey soo galeen, marka dagaalkaas ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdulqaadir oo la hadlay Idaacadda BBC.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerarrada ku garab wado dacaayad ay adeegsanayaan, iyagoo ujeedkoodu yahay in dadka ay deegaanadooda ka qaxinayaan.

Kooxda ayaa baraha bulshada ku baahineysa in magaalooyin ay dadkoodii difaacanayaan laga baxay cabsi darteed, xalay oo ugu dambeysay waxay barahooda ku baahiyeen in shacabkii deganaa ay ka qaxeen Moqokori, taasi oo ciidamada iyo shacabka degmadaas ay beeniyeen.

Inkastoo dagaalka ay ku dhiig baxeen macawiisleyda beesha Xawaadle ayaa wacad ku maray in dhulkooda aysan uga bixi doonin cabsi ay ka qabaan Al-Shabaab, isla markaana ay difaaca doonaan ilaa ay ka guuleystaan ama ay ka dhamaadaan.

Ciidamada Macawiisleyda Xawaadle waxay garab ka helayaan ciidamo aan badneyn oo militeriga iyo nabad sugidda Soomaaliya ka tirsan, si geesinimo leh ayey dhulkooda uga difaacdeen kooxda, balse hadda waxaa moodaa inay sii jilcayaan, maadaama dagaalku ku dheeraaday.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this