Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump oo ku hanjabay inuu Elon Musk u tarxillayo dalkii uu ka yimid

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Xiisaddii siyaasadeed ee qaraareyd ee u dhaxaysay Donald Trump iyo Elon Musk ayaa Talaadadii dib usoo cusboonaatay, kaddib markii madaxweynaha Maraykanku uu ugu hanjabay inuu dalka ka masaafurin doono maalqabeenkan weyn ee dhinaca teknoolajiyadda, uuna ka jari doono dhaqaalaha dawladda dhexe ee ay helaan shirkadihiisa, sababo la xiriira dhaleecaynta uu u jeediyey hindise-sharciyeedka miisaaniyadda ee uu wado Trump.

Qofka dunida ugu taajirsan ayaa ahaa deeq-bixiyihii siyaasadeed ee ugu weynaa ee Trump doorashadii 2024-kii, wuxuuna noqday xulufo aan ka harin bilooyinkii ugu horreeyey ee uu ku soo laabtay Aqalka Cad isagoo madax ka ah Waaxda Hufnaanta Dawladda (Department of Government Efficiency – DOGE).

Balse, maamulaha shirkadaha Space X iyo Tesla ayaa hadda ku gooddinaya in uu hantidiisa u adeegsado loollan ka dhan ah Trump, isagoo ka fiirsanaya aasaasida xisbi siyaasadeed oo la tartama xildhibaannada Jamhuuriga ah ee u codeeya sharciga madaxweynaha ee loogu magac daray “Hindisaha Weyn ee Quruxda Badan” (One Big Beautiful Bill).

Trump, oo 79 jir ah, ayaa si aargoosi ah uga jawaabay Talaadadii xilli uu ku sii jeeday furitaanka xarun cusub oo lagu hayo muhaajiriinta oo ku taalla Florida, taasoo loogu magac daray “Alligator Alcatraz.”

“Waa inaan eegno arrintaas,” ayuu ku yiri weriyeyaasha mar la weydiiyey inuu ka fiirsanayo masaafurinta Musk, kaasoo dhalashada Maraykanka haystay tan iyo 2002-dii.

Trump wuxuu kaloo muujiyey inuu beegsan karo qandaraasyada waaweyn iyo kabka dhaqaale ee ay shirkadaha Musk ee gantaallada ee Space X iyo adeegga internet-ka dayax-gacmeedka ee Starlink ka helaan dawladda Maraykanka.

“Waxaa laga yaabaa inaan DOGE ku dirno Elon. Ma taqaannaan DOGE? DOGE waa bahalkii laga yaabo inuu dib ugu laabto oo uu cuno Elon,” ayuu yiri Trump.

Trump wuxuu intaas ku daray mar dambe oo uu Florida joogay: “Uma maleynayo inuu ciyaartaas ila ciyaari karo.”

– ‘Dalkaaga dib ugu laabo’ –

Isagoo ka jawaabaya qoraal lagu baahiyey bartiisa bulshada ee X oo lagu soo bandhigay hadallada Trump ee ku saabsan masaafurinta, ayuu Musk Talaadadii yiri: “Aad bay u xiiso badan tahay inaan arrintan sii huriyo. Aad iyo aad. Laakiin hadda waan iska deynayaa.”

Qiimaha saamiga shirkadda Tesla ayaa hoos u dhacay ku dhowaad shan boqolkiiba Talaadadii kaddib hanjabaadaha Trump.

Trump wuxuu horay u sheegay hadallo tan la mid ah Isniintii, isagoo sheegay in Musk uu sharciga u weerarayo sababtoo ah wuxuu ka xanaaqay in laga saaray qodobo lagu taageerayey warshadaha baabuurta korontada ku shaqeysa (EV).

“Kaalmo la’aan, Elon waxaa laga yaabaa inuu xiro meheraddiisa oo uu ku laabto dalkiisa Koonfur Afrika,” ayuu Trump ku yiri bartiisa Truth Social.

Ninkan maalqabeenka ah iyo madaxweynaha waxaa dhex maray xiriir saaxiibtinimo oo gaaban laakiin aad u xoogganaa kadib markii uu Trump ku soo laabtay awoodda bishii Janaayo.

Isagoo xiran koofiyadaha baseball-ka ee halku-dheggoodu yahay MAGA, Musk wuxuu ahaa qof si joogto ah u garab taagan Trump. Trump isna wuxuu abaal-gud uga dhigay inuu u ololeeyey baabuurta korontada ee Tesla xilli ay dad caraysan beegsanayeen sababo la xiriira dadaallada kharash-dhimista ee Musk ka waday waaxda DOGE.

Laakiin waxaa dhex maray isku dhac weyn oo fagaare ah bishii May markii Musk uu dhaleeceeyey hindise-sharciyeedka miisaaniyadda, kadibna uu isaga tagay xukuumadda.

– ‘Ha musalafin Ameerika’ –

Musk wuxuu is qarinayey toddobaadyadii la soo dhaafay, laakiin wuxuu dib ugu soo laabtay loollanka xilli uu hindise-sharciyeedku billaabay marin adag oo uu ku dhex marayo Aqalka Koongareeska.

Wixii xilligaas ka dambeeyey, wuxuu si joogto ah u soo dhigayey qoraallo ka dhan ah sharcigaas bartiisa bulshada ee X, oo uu isagu leeyahay.

Dhaleecaynta bilyaneerkan waxay salka ku haysaa sheegashooyin ah inuu sharcigu kordhin firaaqa u dhaxeeya dakhliga iyo qarashaadka dowladda Maraykanka. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyey Jamhuuriyiinta inay ka tanaasuleen dadaalladii lagu doonayey in Maraykanka laga dhigo hormuudka kacaanka baabuurta korontada iyo tamarta nadiifta ah.

“Waxa kaliya ee aan codsanayo waa inaan Ameerika la musalafin,” ayuu ku yiri baraha bulshada Talaadadii, isagoo ku eedeeyey Jamhuuriyiinta inay taageersan yihiin “addoonsiga deynta.”

Waxaase laga yaabaa in tan ugu welwelka badan ee Trump ay tahay sida Musk uu u doonayo inuu u beegsado xildhibaannada Jamhuuriga ah ee nugul kahor doorashooyinka xilliga dhexe ee Maraykanka ee 2026.

Musk wuxuu sheegay inuu aasaasi doono dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo u gaar ah oo la yiraahdo “Xisbiga Ameerika” (America Party) haddii sharciga Trump la meel mariyo, kaasi oo maanta la ansixiyey.

Wuxuu ballanqaaday inuu maalgelin doono musharrixiin ka horyimaada xildhibaannada ku ololeeyey dhimista kharashka dawladda dhexe, balse markii dambe u codeeyey sharcigan.

“VOX POPULI VOX DEI 80% waxay u codeeyeen xisbi cusub,” ayuu yiri kadib markii uu ra’yi-ururin ku saabsan fikraddan ka bilaabay bartiisa X.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this