Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo sheegay in ay suurta-gal tahay xabbad-joojin laga gaaro Qasa

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1751091161231.jpg?resize=701%2C43

Madaxweyne Trump ayaa xalay sheegay in xabbad-joojin laga gaaro dagaalka Qasa ay suurtagal tahay toddobaad gudihiis. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax wada-hadallo rasmi ah oo socda, taasoo muujineysa in hadalku ku imaan dadaal nabadeed oo dhab ah, balse ay tahay go’aan siyaasad oo ku wajahan cadaadis uu Trump ku kordhinayo Netanyahu , oo dhawaan booqanaya Aqalka Cad.

Xaaladda Qasa waxay u muuqataa mid uu Netanyahu ka dhigtay kaar siyaasadeed, isagoo ku ilaashanaya kursigiisa , xilli uu cadaadis badan kala kulmayo gudaha. Maxkamadda Isr4l ayaa ka diiday in dib loo dhigo dacwadda musuqmaasuq ee loo heysto , kaddib codsi uu u gudbiyay Netanyahu, taasoo halis gelin karta mustaqbalkiisa siyaasadeed. Sidaa darteed, Trump wuxuu qorsheynayaa in markuu Netanyahu soo gaaro Aqalka Cad, uu ku cadaadiyo heshiis nabadeed – isagoo ka dhigayaa isku beddel: nabad Qasa → aqoonsi cusub iyo xiriir diblomaasiyadeed oo ay Isr4l la yeelanayso dalal Carbeed oo Suuriya ugu horreyso.

Laakiin Trump kuma ekaan doono bariga dhexe. Isagoo eegaya jihada kale, wuxuu u jeesanayaa Badda Koonfureed ee Aasiya, halkaas oo uu isku diyaarinayo cadaadis millatari iyo istiraatiiji ah oo ka dhan ah Shiinaha. Tani waxay qeyb ka tahay qorshihiisa weyn ee ah in la xakameeyo is-ballaarinta Shiinaha, islamarkaana Mareykanka dib loogu muquuniyo inuu sii heysto boosta hoggaaminta caalamka.

Trump wuxuu ku socdaa xeelad laba waji ah qaboojinta xaaladda Bariga Dhexe si kumeelgaar ah, iyo diyaar-garow dagaal istiraatiiji ah oo ka dhan ah Shiinaha. Waxaa suuragal ah in kahor dhammaadka sannadkan la arko tijaabooyin siyaasadeed iyo millatari oo Mareykanku ku cabbirayo sida uu Shiinaha uga hortagi karo.

PUNTLAND POST

The post Trump oo sheegay in ay suurta-gal tahay xabbad-joojin laga gaaro Qasa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this