Deeq A. Posted Saturday at 06:18 PM Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi oo maalmahii u danbeeyay xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Lugadheere, wuxuuna magacaabay guddi qabanqaabiya aaskiisa oo ka dhici doona magaalada Kismaayo. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubaland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubaland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites