Sign in to follow this  
Deeq A.

Walaac weyn oo laga muujiyay daryeel la’aanta Caafimaad ee ku dhacday Ciidamadii ku soo dhaawacmay Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1749649927249.jpg?resize=1000%2C1

Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda ee Puntland ayaa walaac weyn ka muujiyay daryeel la’aanta caafimaad ee ay ka cabanayaan ciidamadii dowladda ee ku soo dhaawacmay Hawlgalkii Calmiskaad ee Ciribtirka Argagixisada Daacish.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda ee Puntland ayuu ku sheegay in uu si gaar ah uga xun yahay in ciidamo dhaawac ah ay maanta ku qasbanaadaan in ay waddo xirtaan gudaha magaalada Boosaaso, si ay cabashadooda uga muujiyaan dayacaad dhanka caafimaadka iyo taageerada nolosha ee ay u baahanyihiin. 

“Goluhu waxa uu si gaar ah uga xun yahay in ciidamo dhaawac ah ay maanta ku qasbanaadaan in ay waddo xirtaan gudaha magaalada Boosaaso, si ay cabashadooda uga muujiyaan dayacaad dhanka caafimaadka iyo taageerada nolosha ee ay u baahanyihiin” ayuu u qornaa Warsaxaafadeedkaasi.

Golaha ayaa ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Deni in ay dhab ah uga jawaabto tabashooyinka iyo cabashada ciidamada dhaawaca ah oo marwalba u baahan gargaar iyo daryeel joogto ah, islamarkaana samayso  baaris madaxbannaan oo lagu hubinayo halka ay ku dambeeyeen taakuladii shacabka, lana xaqiijiyo in cidna aysan si gaar ah ugu takrifalin hantida dadweynaha. 

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la hirgeliyo hannaan hufan oo lagu maamulo taageerada shacabka si loo ilaaliyo kalsoonida bulshada ee taageerada ciidamada jiidda hore ku sugan “In la hirgeliyo hannaan hufan oo lagu maamulo taageerada shacabka si loo ilaaliyo kalsoonida bulshada ee taageerada ciidamada jiidda hore ku sugan.”

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1751214598335.jpg?resize=763%2C10

PUNTLAND POST

The post Walaac weyn oo laga muujiyay daryeel la’aanta Caafimaad ee ku dhacday Ciidamadii ku soo dhaawacmay Calmiskaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this