Deeq A. Posted yesterday at 09:23 AM ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐๐ซ ๐๐ก๐๐ช๐จ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐๐ฑ๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ซ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Qatar, kaddib markii uu Marti-qaad rasmi ah ka heley Dawladda Dalka Qatar. Safarka Madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo dhawr cisho ah, Idamka Allah. Waa markii ugu horraysay ee Madaxweyne ka socda Jamhuuriyadda Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Qatar. Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay ku safreen Diyaarad khaas ah. Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta ito Awqaafta, La-Taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff-ka). Muddada ay Madaxweynaha iyo wefgigiisu ku sugan yihiin magaalada Dooxa, Caasimadda dalka Qatar, waxa ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda iyo Masโuuliyiinta sarsare ee Dawladda Qatar, iyaga oo ka wada hadli doona danaha u dhexeeya labada dhinac; gaar ahaan xagga amniga iyo xasilloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, iskaashiga iyo wax wada qabsiga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Booqashada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku tagay dalka Qatar waxa ay ka turjumayaa sida ay Madaxweynaha Somaliland uga goโan tahay dardargelinta iyo tayeynta Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka firfircoon ee ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka iyo muhiimadda ay Somaliland u leedahay guud iyo danaheeda ay u marayso dariiq kasta oo suurto gal ah. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ), ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ Qaran News Share this post Link to post Share on other sites