Deeq A. Posted 21 hours ago WADAADDADA WAX KA SHEEGGOODU MA BANAANA EE HALLA DHAWRO. Waqtiyadan danbe dadkii sifaha nebimaxamad iyo asxaabta sitay waxbaa soo dhexgalay xoog ayaa loo dhaleecaynayaa waana arrin diinta ka baxsan wadaadada in la aflagaadeeyaa. Shiikh markay wax aad diiddaa kaaga yimaaddaan ka gaabso ilaahay u daa ciyaayir maaha ceebaynta wadaaddadu Waayo waxay sitaan Camalkii nebiga SCWS. Maalin kasta dad aynu jecelnay oo ay ka mid yihiin aabboyaal, hooyooyin iyo ubad aynu dhalay ayaynu aasnaan oo dhinaceena jiifa dhulka hoostiisa xabaalaha miyaanaydaan arkayn waxa innaga danbeeyaa waa godkaas madow ee dhibta ah maxaynu u ixtiraamiweynay ee aynu u cabsanweynay?. Waxaynu tacab gelinay dimuqraadiyad cid aan ilaahay ahayn wax lagaga doonayo, tii wax lagu helayay oo ah diinta nebi mohamedna waynu ka baydhnay oo waynakaas muraayadda isu soo fadhina. Dadyahow adduunyadu waa waaddo dhamaad leh MAWDKAA soo af jara ee xabaalaha iyo dadka ku jira waxa adduunka ka raacay oo aan ahayn CAMAL SAALAXA bal isweydiiya, aakhiro kulmiye, waddani, kaah iwm waa sanammo ilaahay markaad hor joogto dunuubtii aad ku gashay wuu kugu ciqaabayaa. Dadyahow dariiqii nebiga raaca oo is nabadgeliya ciqaabta ilaahay way culustee. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites