Deeq A. Posted 17 hours ago Allaha u naxariistee waxaa la xaqiijiyay geerida Cabdulqaadir Xaaji Maxamed oo ahaa madaxweyne ku xegeenkii labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo goor dhoweyd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Lugaha Dheere muddooyinkii dambe xaalad caafimaadka oo adag ku jiray ayaa ugu dambeyn saacado ka hor dhintay, sida laga soo xigtay xubno ka tirsan maamulka Jubbaland iyo qoyskiisa. Siyaasigan oo muddo dheer ka tirsanaa masuuliyiin sare ee maamulka Jubbaland ayaa xilka Madaxweyne ku xigeenka hayay taniyo sanadkii 2013-kii, asagoo dhowr mar dib loo magacaabay. Lugaha Dheere dadka yaqaani waxay ku tilmaameen masuul af gaaban, balse waxqabad fircoon ku suntanaa, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay dhismaha Jubbaland, dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab, iyo xasilinta amniga deegaannadaas. Si kastaba ha ahaatee Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere wuxuu ahaahogaamiye caan ku ah dagaalka argagixisada, waxaana loo arkaa masuuliyiin kaalin firfircoon ku lahaa dhismihii maamulka Jubbaland iyo sugidda ammaanka deegaannadaas. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites