Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Puntland oo shir ugu yeertay dhammaan agaasimayaasha iyo isu-duwayaasha wasaaradaha ee gobollada

Recommended Posts

Deeq A.   
800px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_

Xukuumada Puntland ayaa shir degdeg ah ugu yeertay dhamaan agaasimayaasha guud, Agaasimayaasha waaxyaha  iyo isuduwayaasha wasaaradaha ee gobolada Puntland 29-June-2025 oo ku beegan Axadda todobaadka danbe, shirkaan ayaa loo bixiyay shirka dardargelinta iyo maamul baahinta Puntland.

Shirkaan oo madaxtooyada ka dhacaya ayaa ujeedkiisa waxa uu salka ku hayaa qiimayn shaqaalaha ah, in la oggaado tirada rasmi ah ee shaqada ku jirta, inta maqan, boosaaska shaqo ee banaan iyo qodobo kale kuwaas oo hadafka ugu danbeeyay yahay go’aan qaadashada isbedelka uu madaxweynuhu wado, daadejinta shaqada hay’adaha dawlada iyo in lagu wargeliyo siyaasada dowladda.

” Waxa la doonayaa axada inaad kasoo qayb-gashaan shir ka dhacaya madaxtooyada dowladda Puntland 29-06-2025 saacaddu waa 7:30AM haduu alle idmo. Fiiro-gaar ah: Maqnaanshuhu aad buu u adagyahay” farriin kooban oo loo diray dhammaan agaasimayaasha guud, Agaasimayaasha waaxyaha  iyo isuduwayaasha wasaaradaha ee gobolada.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Puntland oo shir ugu yeertay dhammaan agaasimayaasha iyo isu-duwayaasha wasaaradaha ee gobollada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this