Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah oo maanta Shir ka yeeshay Khilaafka dastuurka iyo Arrimaha doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1750845689860.jpg?resize=1000%2C6

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku qaabilay siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Labada dhinac oo Shir ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ayaa ka dooday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan qodoba ay ku jiraan dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo  hirgelinta hannaan doorashooyinka qof iyo cod ee lagu muransan yahay, kuwaasi oo ay Villa Somalia riixayso.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo xubno kale.”

“Kulanka  ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Villa Somalia.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaridka oo la baxay Madasha Samata-bixinta weli wax war ah kama soo saarin Shirka, waxaase warar hordhac ah sheegaayan in ay Madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbadeen in uu ka laabto wax ka beddelkii dastuurka, islamarkaana heshiis loo dhan yahay laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka ee 2026.

PUNTLAND POST

The post Villa Somalia iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah oo maanta Shir ka yeeshay Khilaafka dastuurka iyo Arrimaha doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this