Deeq A. Posted June 24 ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ ๐ค๐ ๐ฃ๐๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐ข๐-๐ฎ-๐ก๐๐๐๐ฒ๐ง ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ฌ๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐๐ฒ. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta (24.06.2025) xadhiga ka jaray Saldhigga dhexe ee Booliska Caasimadda Hargeysa oo dib-u-habayn iyo dib-u-dhisba lagu sameeyay, waxana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dawladda, hoggaanka ciidanka Booliska, iyo marti sharaf kale oo ka socotay qaybaha bulshada. Saldhigga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, oo ah saldhig caan ah oo astaan โโtaariikhi ah u ah nidaamka iyo kala dambaynta caasimadda, ayaa waxa lagu sameeyay dib-u-habayn iyo dib-u-dhis casri ah oo dhan walba leh. Waxa xusid mudan in hal-abuurka, naqshadaynta iyo fulinta hawlaha dib-u-habaynta Saldhigga Dhexe ee Hargeysa ay gebi ahaanba hirgaliyeen hoggaanka dhismaha iyo injineerrada Ciidanka Booliska JSL; taasina waxa ay ka turjumaysa sida ay uga goโan tahay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad casriyaynta iyo dhisidda kalsoonida qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka JSL. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda xadhig ka jarka Saldhigga Dhexe ayaa ku ammaanay hoggaanka Ciidanka Booliska shaqada wacan ee ay soo ban-dhigeen, isaga oo sheegay muhiimadda ay Qaranka u leedahay Ciidanka Boolis oo si fiican u qalabaysan in ay lagama maarmaan u tahay nabadgelyada guud iyo xasilloonida dalkeena. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ), ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites