Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Guulood oo Hal Dagaal ah: Natiijooyinka hordhaca ah ee ka soo baxay dagaalkii Iran iyo Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

d709f140-5172-11f0-8485-7bd50fa63665.jpg

Ka dib markii Iran iyo Israa’iil ay galeen iska hor imaad xooggan, dhinac walba wuxuu ka sheegtay “guul”.

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa Talaadadii ku dhawaaqay “dhammaadka dagaalka 12-ka maalmood ah ee ay Israa’iil ku soo qaadday dalkiisa.”

Pezeshkian ayaa ku tilmaamay guusha dalkiisa guul weyn, isagoo farriin qoraal ah u diray shacabka Iran taasi oo lagu daabacay warbaahinta rasmiga ah ee Iran.

“Maanta, ka dib iska caabin geesinimo leh oo qarankeena weyn, oo qoraya taariikhda go’aankiisa, waxaan marqaati ka nahay abuurista xabbad joojin iyo dhammaadka dagaalkan 12-ka maalmood socday, oo ay soo qaadeen, isla markaana ahaa daandaansi dhinaca Israa’iil ah,” Pezeshkian ayaa sidaa ku yiri farriintiisa.

Dhankiisa, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay xabbad-joojinta Iiraan iyo Israa’iil mid “guul taariikhi ah” u soo hoyatay dalkiisa.

Guushaan waxaa lagu xasuusan doonaa jiilal,” ayuu Netanyahu ku yiri khudbad uu taleefishinka ka jeediyay fiidnimadii Talaadada. “Waxaan meesha ka saarnay laba hanjabaad oo degdeg ah Iran: khatarta nukliyeerka iyo khatarta gantaallada ballistic-ga.”

Waxa uu intaa ku daray in millatariga Israa’iil “ay meesha ka saareen hoggaamiyeyaasha sare ee Iran,” oo ay ku jiraan saddex sarkaal oo ka tirsan milatariga, saynisyahanno nukliyeer ah, iyo saraakiil kale oo sarsare.

Netanyahu ayaa carabka ku adkeeyay in ololaha Israel uu sidoo kale burburiyay goobihii Nukliyeerka ee Isfahan, Natanz, iyo Arak.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay ka qeyb qaadashada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee taageerada ololaha Israel ee ka dhanka ah Iran.

Netanyahu ayaa yiri: “Saaxiibkeen, madaxweyne Trump, wuxuu na garab istaagay si aan horay loo arag, awaamiirtiisa, millatariga Mareykanka waxay burburiyeen goobta tayeynta dhulka hoostiisa ee Fordo.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 610 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 4,700 oo Iiraaniyiin ah, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Israa’iil, 28 qof ayaa lagu dilay intii uu socday dagaalka ka dib markii ay gantaalladeeda Iran ku garaacday, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Maxay yihiin natiijooyinka hordhaca ah ee 12 maalmood oo dagaal ah ka dib?

Khariirad

Iran ayaa muujisay rabitaankeeda ah in Talaadada ay ku soo laabato wada xaajoodka Mareykanka ka dib markii ay dhaqan gashay xabad joojinta.

Madaxweyne Pezeshkian waxa uu carabka ku adkeeyay in dalkiisu uu sii wadi doono difaacida “xuquuqda sharciga ah” ee ku wajahan isticmaalka si nabad ah tamarta nukliyeerka.

War qoraal ah oo ay horay u soo saartay dowladda Israa’iil ayay ku sheegtay in ay meesha ka saartay “khatarta jirta” ee barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo gantaallada ballistic-ga ah.

Netanyahu ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Iran ee loogu magac daray “Libaax toosay” uu geli doono ” taariikhda dagaalka Israa’iil oo ay daraasayn doonaan ciidamada adduunka oo dhan.”

Madaxa militariga Israa’iil Eyal Zamir ayaa Talaadadii sheegay in Israa’iil “ay dib u dhigtay mashruucii Nukliyeerka Iran sanado badan,” laakiin si cad uma uusan sheegin baabi’inta iyo gabi ahaanba burburinta mashruuca.

Zamir ayaa tilmaamay in ololaha ka dhanka ah Tehran “uu galay waji cusub, ololaha ka dhanka ah Iranna ma dhammaan.”

Khubarada ayaa sheegay in aysan kala cadeyn in duqeyntu ay meesha ka saartay khatarta Nukliyeerka, iyadoo Iran ay u badan tahay inay ka saarto goobihii la bartilmaameedsaday ka hor inta aan la duqeyn.

Iran ayaa si joogto ah u beenisay inay doonayso inay hesho hub nukliyeer ah.

Hawlgalka ayaa waxaa ka mid ahaa weeraro isdaba joog ah oo lagu qaaday xarumaha Nukliyeerka iyo Gantaalada ee Iran, Dilkii Hogaamiyaasha Ciidamada iyo kuwa Amaanka, iyo Qaraxii Xabsiga Evin ee Tehran.

Xarunta Fordow iyo faragelinta Maraykanka

.

Xigashada Sawirka,Maxar Technologies

Dagaalku wuxuu ahaa sidoo kale mid faragelin muhiim ah uu ku sameeyay Maraykanka, iyadoo duqaymo lala beegsaday xarunta tayeynta dhulka hoostiisa ee Fordow iyo xarumaha nukliyeerka ee Isfahan iyo Natanz. Pentagon-ka ayaa sheegay in duqeynta Mareykanka ay “burburiyeen barnaamijkii Nukliyeerka ee Iran”.

Warbixin hordhac ah oo sirdoon oo ay soo saareen sirdoonka Mareykanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in duqeymaha Mareykanka ee Iran ay dhowr bilood oo kaliya dib u dhigeen barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran, halkii ay burburin lahaayeen sida uu sheegay madaxweyne Donald Trump.

Saraakiisha Maraykanka ayaa ka hadlay in warbixintan sirta ah ay tahay mid ” khaldan” oo ay dhaleecayn kulul u jeedinayaan kuwa faafiyay.

Weerarada Iran ee lama filaanka ahaa

Iran ayaa duqeymo aan hore loo arag ku qaaday saldhigga ciidamada cirka ee Mareykanka ee Al Udeid ee Qatar, taasoo jawaab u ahayd beegsiga Washington ee xarumaha Nukliyeerka ee Tehran.

Qatar ayaa ka hor timid gantaalada Iran, duqeynta ayaan wax khasaaro ah ka dhalan.

Intii uu dagaalka socday Iran waxa ay Israa’iil ku garaacday noocyo kala duwan oo gantaallo ah, kuwaas oo intooda badan ay ka hortageen nidaamkeeda difaaca gantaallada.

Gantaalada Iran oo ay Israa’iil awoodi wayday in ay qabato ayaa sababay burbur iyo khasaare baaxad leh.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this