Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqoonsiga Somaliland: Fursad Xidhiidhinasa Qiyam-ka iyo Istiratiijiyada UK iyo USA”

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqoonsiga Somaliland: Fursad Xidhiidhinasa Qiyam-ka iyo Istiratiijiyada UK iyo USA”

11-6.jpg

Sababta ay tahay in xukuumadda Ingiriisku ay u aqoonsato Somaliland”

Warbaahinta Leftfootforward ee dalka UK ayaa si qoto dheer u falanqaysay fursadda diblomaasiyadeed ee uu aqoonsiga Somaliland u yeelan karo waddamada reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska. Warbixinta ayaa sheegtay in aqoonsiga JSL uu yahay ‘dib-u-dejin macno leh’ oo lagu hirgelin karo is-waafajinta qiyamka, istiraatiijiyadda iyo danaha labadan dal.

Warbixinta ayaa Somaliland ku tilmaamay in uu yahay qaran buuxa oo aan ahayn dal cusub oo hadda dib loo abuurayo, balse uu yahay dal raadinaya xaq uu hora u lahaa, “Somaliland maaha gobol ka go’ay Soomaaliya, waa qaran madax-bannaanidiisa dib u soo ceshaday,” ayaa lagu yidhi warbixinta oo soo xiganaysa Alun Michael oo ah siyaasi Ingiriis ah, horena u soo noqday xildhibaan, haddana ah taliyaha booliska Cardiff, kana mid ah dadka taageersan aqoonsiga Somaliland.

Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay muujiyay karti iyo waayo-aragnimo qaangaadh ah iyada oo dhisatay dawladnimo shaqaynaysa oo xasilloon. “Somaliland waxay dhistay dawlad iyo hay’ado dimuqraadi ah, doorashooyin ku dhisan hannaan xor ah oo awoodda dalka la isugu wareejiyo si nabad ah, mabadgelyo iyo xasillooni gudaha ah iyada oo aanay jirin taageero iyo xamaasad caalami ah iyo ku tiirsanaanta deeq-bixiyeyaasha shisheeye.”

Waxay sidoo kale tilmaantay sida Maraykanku u muujinayo muhiimadda danaha istiraatiijiyadeed ee gobolka, marka la eego meeqaamka wefti ka socday Somaliland oo booqday Maraykanka iyo safarkii jawaabta ahaa ee Weftiga Maraykanku ku tagay Somaliland, waxaana lagu yidhi “Xaaladda istiraatiijiyadeed ee Somaliland ayaa is beddeshay oo u wareegtay dhinaca Donald Trump oo siyaasaddiisa arrimaha dibadda lagu yaqaanno qaab cad, waxa uu abaal-marin ku bixiyaa waxtarka, wuxuu qiimeeyaa saamaynta, wuxuuna diyaar u yahay in uu ka faa’iidaysto marka uu arko fursad. Masuuliyiin sare oo ku dhaw Trump, saamaynna ku leh arrimihiisa siyaasadeed ayaa soo jeediyay in Somaliland la aqoonsado, taas beddelkeed-na saldhigga milatari uu Maraykanku ka samaysto Somaliland.

Arrintan waxaa si cad u muujinaya booqasho ay dhawaan wafdi ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ku tageen Washington (DC), iyo booqasho jawaab u ahayd oo uu wafti sare oo ka socday dawladda Maraykanku ay ku tageen Somaliland. Halkaas ayaana ah meesha iftiiminaysa fursadda dahsoon.”

Dhinaca kale, warbixinta ayaa sheegtay in Dowladda UK aanay ka laba-labaynaynin aragtideeda dib-u-qiimaynta iyo horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda, gaar ahaan aqoonsiga Somaliland, isla markaana UK ay haysato fursad cusub oo arrintaasi la xidhiidha, iyada oo tilmaanay in xisbiga Labourka ee hoggaaminaya UK uu hore u muujyay arrintan oo kale, sida arrinta Western Sahara, Chagos Islands iyo Gibraltar, waxaana lagu yidhi “Dawladda UK waxay haysataa fursad kale oo ay ku horumariso aragtideeda cusub ee arrimaha dibadda. Iyada oo Ingiriisku uu hadda ba Somaliland ula dhaqmo si qaran madax bannaan: wuxuu leeyahay wakiillo diblumaasiyadeed oo ka hawl-gala Somaliland, waana taageeraha ugu weyn ee horumarinta, wuxuuna saamiyo ku leeyahay dekedda Berbera oo ay maamusho DP World.”

Warbaahinta Leftfootforward waxa ay soo xigatay hadal uu jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, David Lammy, kaas oo uu ku sheegay in UK ay tahay saaxiibka ugu weyn ee Somailland, sidoo kalena siyaasadda dawladdiisa ee Afrika ay ku salaysan tahay hirgelinta iskaashi ixtiraam leh, horumar waara, iyo dhisidda Afrika ammaan ah oo barwaaqo ah, “Siyaasadda xisbigayagu waxay ku salaysan tahay iskaashi ixtiraam leh, horumar waara, iyo dhisidda Afrika ammaan iyo barwaaqo leh.

Waxaannu nahay lammaanaha horumarineed ee ugu weyn Somaliland, waxaannu leenahay wakiillo diblomaasiyadeed oo halkaas ka hawlgala, waxaannu dhexda ugu jirnaa maalgelinta dekedda Berbera oo ay maamusho shirkadda DP World, taas oo ay maalgelin ku leedahay British International Investment.”

“Aqoonsiga Somaliland wuxuu noqon karaa dib-u-dejin macno leh oo ku saabsan xidhiidh adag, Halkaas oo ah goob ay xukuumadda xisbiga Labourka ee UK iyo maamulka Trump ee Maraykanku ay si wada-jir ah isaga kaashan karaan dhinacyada qiyamka, istiraatiijiyadda, iyo natiijooyinka wax ku oolka ah ee la doonayo,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta Leftfootforward.

Qore Axmed M. Saleebaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this