Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo digniin iyo hanjabaad culus u jeedisay qaar kamid ah shirkadaha ganacsiga Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1750748994228.jpg?resize=1000%2C6

Duqa degmada Boosaaso, Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle) oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa ka dalbaday dhammaan shirkadaha ganacsiga Boosaaso in ay bixiyaan dhaqaalihii taakulaynta ciidamada dowladda ee ku jira Hawlgalka Calmiskaad.

“Dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ku dhaqan Boosaaso waa in ay garab istaagaan Taakuleynta ciidamada difaaca Puntland ee ku jira Hawlgalka ciribtirka Argagixisada Daacish ee Calmiskaad, gaar ahaanna ciidamada ku soo dhaawacma furimaha dagaalka ee la keeno isbitaallada magaalada Boosaaso” ayuu yiri Cabdifitaax Shanle.

Duqa degmada Boosaaso waxa uu sidoo kale digniin adag u jeediyay shirkadihii ganacsiga ee baadda siin jiray Argagixisada Daacish, kuwaasi oo sida uu sheegay hadda diidan in ay dhaqaale ku bixiyaan Taakulaynta Hawlgalka Calmiskaad, waxaana uu ku hanjabay in aysan Boosaaso ka sii shaqayn doonin shirkadaha ganacsi ee diidan bixinta Taakuleynta Ciidamada.

“Waxaan kale oo u sheegaya in shirkadihi ganacsiga ee horay Argagixisadu baadda uga qaadi jirtay haddana diidan in ay bixiyaan dhaqaalaha Taakuleynta Ciidamada, in aysan ka sii shaqayn doonin Boosaaso. Wax la aqbali karo maaha in ay shalay argagixisada siin jireen baad aan ku waajibin maantana diidaan in ay wax ku darsadaan Raggga u dhiig-baxaya difaacooda” ayuu sii raaciyay Shanle.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo digniin iyo hanjabaad culus u jeedisay qaar kamid ah shirkadaha ganacsiga Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this