Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda ,Qatar oo ka hadashay weerarka Iran ku qaaday saldhiga Maraykanka ee dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Qatar oo ka hadashay weerarka Iran ku qaaday saldhiga Maraykanka ee dalkaas
Waxaan hadda maqlaynaa dowladda Qatar oo si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada cirka ee Al-Udeid.

Majed al-Ansari, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku yiri: “Waxaan u aragnaa arrintan inay tahay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madax-bannaanida Dawladda Qatar, hawadeeda, sharciga caalamiga ah, iyo axdiga Qaramada Midoobay.”

Waxa uu sheegay in nidaamka difaaca cirka ee Qatar ay si guul ah u fashiliyeen weerarka ayna ka hortageen gantaallada Iran.

Wuxuu intaas ku daray: “Dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah waa la qaaday si loo sugo ammaanka shaqaalaha saldhigga, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada Qatar, ciidamada saaxiibada ah, iyo kuwa kale.

“Waxaan xaqiijineynaa in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.”

Afhayeenku waxa uu sheegay in Qatar ay xaq u leedahay in ay uga jawaabto “hab u dhigma dabeecadda iyo miisaanka gardarradan cad”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this