Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran oo xiraysa marin biyoodka Hormuz 

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Iran ayaa xiraysa marin biyood Hormuz oo in ka badan 20% ganacsiga adduunka uu maro waqtiga, waxayna tillaabadani jawaab u tahay cadaadiska ay reer Galbeedku ku hayaan dalkaas.

Baarlamaanka Iran ayaa dhowaan qalinka ku duugay in si rasmi ah loo xiro marinkaas oo u dhexeeya badweynta Hindiya iyo gacanka Beershiya ama faaris ee ay saameynta xooggan ku leedahay Iran.

Marinka Hormuz waxaa mara markab kasta oo shidaal sida, oo ka tagaya dalalka bariga dhexe sida Saudi Arabia, UAE, Kuwait iyo Iraq, kuna sii jeeda dalalka reer Galbeedka, Aasiya, iyo Yurub.

Xiritaanka marinka ayaa sii kordhinaya waxyeellada dhaqaale ee laga dhaxlay dagaalka Israa’iil iyo Iran, waxaana la filayaa in qeymaha saliiddu uu si weyn u kordho.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this