Deeq A. Posted 22 hours ago Geelu waxa uu kamid yahay xoolaha ugu qiimaha badan ee Soomaalida ay dhaqato, waana xoolo leh kaalmo dhaqaale, dhaqan, nololeed iyo mid taariikheed oo aan sahlaneyn. Soomaalida oo ah dad xoolo-dhaqato u badan ayaa muddo qarniyo ah geela u arkayey tiir-dhexaadka noloshooda, wuxuuna u ahaa gaadiid, cunto caano iyo cadba leh, hanti qaali ah oo magta iyo yaradkaba lagu bixiyo, iyo dhaqaale lagu faano. Dhaqaalaha iyo Nolol maalmeedka Geelu waxa uu si toos ah iyo si dadbanba u taabanayaa dhaqaalaha Soomaalida, Caanaha geela ayaana ah cunto muhiim u ah bulshada, gaar ahaan reer miyiga, waxaa sidoo kale magaalooyinka si maalinle ah looga cunaa hilibkiisa, ayadoo ay intaas dheer tahay in dibedda loo dhoofiyo dhaqaale badani ka soo galo dalka. Caanaha geelaha ayaa lagu tiriyaa daawo lagula tacaalo xanuunno badan sida calool xanuunka, dhiig-yarida iyo xasaasiyadda, halka hilibkiisuna uu aad u qiimo badan yahay, gaar ahaan xilliyada ciida iyo munaasabadaha. Suuqyada xoolaha, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho, Hargeysa, iyo Boosaaso, waxaa geelu leeyahay qiime sarreeya, waxa ayna xoolaha uu asagu ugu horreeyaahi kamid yihiin afarta tiir ee ugu muhiimsan ilaha dhaqaalaha Soomaalida. Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya oo kaalimaha hore uga jirta dalalka ugu geela badan dunida, ayaa haatan u muuqanaysa inay la jaan qaadayso hababka casriga ah ee dhaqaalaha meesigaas, inkastoo ay jiraan dhiilo ay kamid tahay in mararka qaar la qalo ubadka yar yar, gaar ahaan dhedigga, taas oo xeeldheereyaashu ay ka dayrinayaan, keenina karta dabar go’ iyo cudurrada geela ku dhaca oo dalka ku soo badanaya. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites