Sign in to follow this  
Deeq A.

Hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya oo maanta laga daahfuray caasimadda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Hiigsiga Qarni-jirka Soomaaliya ee 2060-ka, oo ah aragti dheer oo mustaqbalka, islamarkaana qeyb ka ah qorshaha isbadelka qaranka.

Qorshahan ayaa loogana golleeyahay in la hago jihada horumarka qaranka illaa dhammaadka qarnigan 21aad, waxaana Xafladda daahfurka oo ka dhacaysa  caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowladda federaalka, xubno matalaya dowlad goboleedyada, wakiillo ka socda bulshada rayidka, ganacsato, dhalinyaro,iyo saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Waa maxay Hiigsiga Qarni-jirka 2060?

Hiigsigan wuxuu saldhig u yahay qorshe waqti dheer ah oo lagu doonayo in Soomaaliya ay noqoto dal nabdoon, isku filan, caddaalad iyo horumar bulsho & dhaqaale ku saleysan, waxaana tiirarka ugu waaweyn ee qorshahan kamid ah Dhismaha dowlad dimuqraadi ah oo xasilloon, xoojinta wax soo saarka dalka, kor u qaadidda aqoonta iyo hal-abuurka, casriyaynta kaabeyaasha dhaqaalaha, la jaanqaadidda barnaamijyada iyo xeerarka isbadelka cimilada ee caalamiga ah, iyo qodobo kale.

Si kastaba ha ahaatee Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060 waa astaan muujinaysa sida ay Soomaaliya u waddo dadaallada dib-u-dhiska qaranimada iyo kobaca wax soo saarka iyo hormarka dalka ee mustaqbalka, waxaa’se la wada sugayaa in qorshahan uu noqdo mid la dhaqan geliyo, halkii uu noqan lahaa keliya munaasabad la qabtay oo madaxdu ay ka khodbaysay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this