Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in heshiis qarsoodi ah dhexmaray Villa Somalia iyo kooxda Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Villa-Somalia.jpg?resize=1000%2C538&ssl=

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo militari ahaan isaga caabin weyday mileeshiyaadka Al-shabaab ayaa heshiis qarsoodi ah la gashay kooxda, si ay isaga joojiyaan duullaankii ku wajahnaa magaalada Muqdisho, sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir oo warkan xaqiijiyay ayaa sheegay in tallaabadaasi darteed Villa Somalia xilkii uga qaaday Taliyihii NISA Cabdullaahi Sanbalooshe, islamarkaana caqabad u dhigtay dagaalkii Macawisleey ee Gobolka Hiiraan, si ay u fuliso heshiiskii labada dhinac ee dowladda iyo Al-shabaab.

“Villa Somalia waxay heshiis qarsoodi ah kula jirtaa mileeshiyaadka AS, si loo fuliyo heshiiskii labada dhinac waxaa xilkii laga qaaday Taliyihii Sirdoonka NISA Sanbalooshe, waxaana caqabad loo dhigay dagaalkii Macawisleey ee Gobolka Hiiraan, waxay sidaasi u samaynayaan in dagaalka Al-shabaab oo ay heshiis kula jiraan uu istaago” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir.

Dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mileeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab midna weli kama hadlin warkan ku saabsan heshiiska labadaasi dhinac ee uu shaaciyay wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in heshiis qarsoodi ah dhexmaray Villa Somalia iyo kooxda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this