Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil, “Iran waxay doonaysaa inay naga takhalusto

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in dowladda Iran ay gacanta ku hayso qorshe gebi ahaan lagu burburinayo nadaamkooda, islamarkaana khariidadda bariga dhexe looga tirtirayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo u warramay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa in Iran ay waddo qorshe istiraatijiyadeed oo ay ku baabi’inayso Israa’iil, asagoo intaas ku daray inaysan aqbali doonin khatartaas.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii 6-aad ay socdaan duqeymaha Iran iyo Israa’iil, islamarkaana labada dhinac uu kala gaaray khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this