Deeq A. Posted Monday at 02:25 PM Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha 1-aad ee Carruurta Somaliland, oo ku soo beegantay Xuska Maalinta Carruurta Afrika oo la xuso 16-ka Bisha 6-aad sannad walba. Shirweynaha 1-aad ee Carruurta Somaliland oo ah kii ugu horreeyey ee dalkeena lagu qabto, waxa si aad u qiimo badan u soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, iyada oo kaashanaysa Hay’adaha Qaranka JSL iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ay wada shaqaynta la leh Wasaaradda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaa ka jeediyey khudbad aad u qiimo badan, ayaa sheegay in Maalinta Carruurta Somaliland ay tahay maalin loo asteeyey is xasuusinta muhimadda uu ubadku inoo leeyahay iyo xilka culus ee dhammaan bulshada JSL ka saaran ilaalinta xuquuqda carruurta iyo sharaftooda, isla markaana aynu maal-gashano mustaqbalkooda, isaga oo yidhi: “Waa Masuuliyad Diini ah, waa Waajib Sharci ah, waana Xil Waddaniyadeed oo qof kasta saaran.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in aanay suurto gal ahayn in Qarankeenu uu sameeyo horumar, haddii aynaan xoogga saarin daryeelka iyo wanaagga carruurteena. In aynaan Caddaalad ka hadli karin haddii carruurteenu aanay haysan xuquuqihii aasaasiga oo ay ugu horreeyaan Waxbarashada iyo Caafimaadku. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Waxbarashada, Caafimaadka iyo Nafaqada ay yihiin Tiirarka Koritaanka ubadkeenna, si ay u gutaan waajibaadka Qarannimo ee Mustaqbalka, waxana uu yidhi: “Carruurta Somaliland waxa aan ugu bishaaraynayaa in ay udub dhexaad u yihiin Qarankooda, in Codkooda la maqlayo, in laga caawinayo gudashada waajibaadkooda, iyo sidii ay riyooyinkooda u rumayn lahaayeen.” 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News Share this post Link to post Share on other sites