Sign in to follow this  
Deeq A.

Roob Miraale ah oo xalay maarugay dooxooyinka Nugaaleed

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1749777164351.jpg?resize=640%2C36

Roob Miraale ah oo xalay saq barkii curtay ayaa maaruqay inta badan dooxooyinka Nugaaleed ee dhaca Gobollada Sool iyo Nugaal, halkaasi oo uu saacado badan ku da’ayay Roobkaasi.

Roobkan mahiigaanka ah ayaa mowjado daad ah ku harqiyay dooxooyinka Nugaasha, waxaana meelaha uu sida weyn u maasheeyay ku jirta magaalada Garoowe iyo dhammaan dooxooyinka ku xeeran.

Isagoo mayay arooryaad ah ayuu sidoo kale saaka ka bariisaynaya hawdka Garoowe ka xiga dhinaca degmada Buurtinle, halkaasi Roobka xooggiisu u dhacay gelinkii danbe ee xalay ilaa waaberkii hore.

PUNTLAND POST

The post Roob Miraale ah oo xalay maarugay dooxooyinka Nugaaleed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this