Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo isu diyaarinaya in ay qarxiyaan god weyn oo Daacish ku go’doonsan yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1749142935000.jpg?resize=1000%2C9

Ciidanka Komaandooska dowladda Puntland ayaa isu diyaarinaya in ay qarxiyaan god weyn, oo ay ku go’doonsan yihiin ilaa 20 dagaallame oo ka tirsan mileeshiyaadkii Daacish ee ka firxaday Miraale.

Taliyaha Komaandooska ciidamada PMPF G/sare Maxamuud Shire oo warkan xaqiijiyay ayaa sheegay in ay diyaariyaan hawlgal gaar ah, oo ay ku qarxinayaan firxadka ku go’doonsan godka, kaasi oo ay fulinayaan cutubyo u carbisan hawlgallada deg dega ah oo lagu magacaabo Quick Response Force (QRF).

“Waxaa Jira 20 nin oo god Ku jira , Waa Jilicsan godkooda ayaanu ku qarxinaynaa waxba kama rabno  iyaga iyo godkooda waan isku malaasaynaa, waxaana hawlgalkasi gaar ah fulinaya ciidanka QRF” ayuu yiri Taliyaha Komaandooska ciidamada PMPF G/sare Maxamuud Shire ka warbixinayay hawlgalkaasi.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo isu diyaarinaya in ay qarxiyaan god weyn oo Daacish ku go’doonsan yihiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this