Deeq A. Posted 20 hours ago Nairobi (Caasimada Online) – Lix qof oo ka tirsan hal qoys ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday hoygooda oo ku yaalla magaalada Mandheera. Weerarka oo lagu sheegay in uu salka ku hayo aano qabiil, ayaa daba socday colaad dhawaan ka dhacday dhulka miyiga ah ee ay wada deggan yihiin labo reer oo ku nool magaalada Mandheera, gobolka Waqooyi Bari Kenya. Cabdullaahi Macallin Xasan, oo walaal la ah ninka qoyskiisa la laayay, ayaa sheegay in xasuuq ba’an loo geystay qoyskii walaalkiis, wuxuuna xaqiijiyay in marka laga yimaado dadka dhintay, dhaawacu gaarayo ilaa afar qof oo kale. “Dadku reer guuraa bay ahaayeen, waxayna haysteen geel iyo ari, masaakiin ayey ahaayeen,” ayuu yiri Cabdullaahi, oo sheegay in qoyska la laayay ay ahaayeen dad xoolo-dhaqato ah. Sidoo kale waxa uu sheegay in dhacdadan ay ka horreysay mid kale oo nin lagu dilay, labada dhacdo ayaana la rumeysan yahay in ay xiriir la leeyihiin aanooyin qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagnaa dhulka miyiga ah ee Mandheera. Wuxuu intaas ku daray in dableydii weerarka fulisay ay ku baxsadeen mootooyin, islamarkaana aan weli la ogaan halka ay ku sugan yihiin. Allaha u naxariistee, lixda marxuum ayaa si wadajir ah hal meel loogu aasay, iyadoo dadka dhaawacmayna lagu dabiibayo isbitaallada Mandheera. Share this post Link to post Share on other sites