Sign in to follow this  
General Duke

Addis Ababa: Ethiopia promises to protect Somaliland Jamhuuriya

Recommended Posts

Dawladda Itoobiya oo Damaanad Qaaday Inay Diyaar u Tahay Illaalinta Ammaanka iyo Xasiloonida Somaliland

 

Maxay Itoobiya ka tidhi booqashadii uu madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahinku tagay Addis Ababa?

 

Addis Ababa (Jam)- Dawlada Itoobiya, ayaa ku dhawaaqday inay damaanad qaadayso sidii ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugala shaqayn lahayd ilaalinta ammaanka iyo xasiloonida ka jirta Somaliland.

 

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday wasaaradda arimaha dibedda Itoobiya oo lagu lafaguray xaaladda ka taagan mandaqada Geeska Afrika oo shalay lagu baahiyey wakaalada wararka ee Walta Information Center, waxa Itoobiya ammaantay madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay ku tilmaantay shakhi xidhiidh qoto dheer la lahaa Itoobiya xiligii halgankii SNM ilaa muddadii uu ahaa Guddoomiyaha mucaaridka, isla markaana xidhiidhkaasi sii xoogaysanayo xiligan oo yahay madaxweynaha Somaliland.

 

Waxa kale oo Itoobiya ka hadashay booqashii wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ku tagay Addis Ababa iyo kulamadii uu la yeeshay wasiirul-dawlaha arrimaha dibedda Itoobiya Dr. Tekeda Alemu, kuwaasi oo ay labada wasiir kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, iyaga oo dhinaca kalena dood dheer ka yeeshay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha horyaal dawlada cusub ee Somaliland, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin caqabadaha dhaqaale iyo dhibaatooyinka ka imanaya kooxaha xagjirka ah ee ku hamiyaya sidii ay u minjo xaabin lahaayeen deganaanshaha iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, iyada oo warbinta lagu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya heshiis uga yaal sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

 

Waxaana warbixinta ka soo baxday wasaarada arrimaha dibedda Itoobiya lagu sheegay in kulankaasi wasiirul-dawlaha arrimaha dibedda Itoobiya Dr. Tekeda Alemu uu wasiirka arrimaha dibeda Somalland, madaxweyne Siilaanyo iyo shacbiga reer Somaliland ku bogaadiyey hannaankii ay u qabsoontay doorashadii madaxtooyada iyo sidii quraxda badnayd ee xilwareejintu u dhacday.

 

Wasaarada arrimaha dibedda Itoobiya, waxa kale oo ay ka hadashay booqashadii uu madaxweynihii hore ee Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ku tagay Addis Ababa iyo kulamadii uu la yeeshay madaxweynaha iyo ra’iisal-wasaaradaha Itoobiya, kuwaasi oo Md. Rayaale uga mahadceliyey doorka Itoobiya ka qaadatay arrimaha Somaliland mudadii uu madaxweynaha ahaa.

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

xabashiiki ba xaarkisaa la cuna miyaa ayaamhaan!!

 

This is what i hate about these silly amxaar azz sucking separatist regions. They soo f'dup. These leaders should be shot all in the head.

 

I will be glad to do it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

So Berbera as the future National Port of Ethiopia is turning out to be a realistic goal.

 

 

Ethiopia will protect "Somaliland" against what? The pro-union Sanaag and Sool Regions and the District of Buuhoodle, ONLF, D-Jibouti, Awdalites, or other Somalis..

 

 

Ilaahow noo gargaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this