Sign in to follow this  
Deeq A.

Amb. Wondomu Asamenew: Dhiig badan oo Itoobiyaan ah ayaa ku jira Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Itoobiya u fadhiyey Muqdisho, Ambassador Wondimu Asamnew, ayaa kamid noqday mas’uuliyiinta Itoobiyaanka ah ee warbaahintu wareysatay, isagoo si xiiso leh uga hadlay marxaladihii uu soo maray Axmed Madoobe ka hor intii uusan noqon Madaxweynaha Jubaland.

“Dhiig badan oo Itoobiyaan ah ayaa lagu shubay. Waxaan kuu sheegayaa inuu dhiig Itoobiyaan leeyahay,” ayuu si kaftan leh u yiri safiirkii Itoobiya u joogay Soomaaliya.

Axmed Maxamed Islaam oo muddo 12 sano ah ahaa Madaxweynaha Jubaland ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaashii Maxkamadaha Islaamka.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhaawacay, waxaana lagu soo daweeyay magaalada Addis Ababa.

Sida uu sheegay Ambassador Wondimu Asamnew, Axmed Madoobe isagoo dhaawac ah ayaa ciidamada Itoobiya qabteen 19 sano kahor markii ay soo galeen Soomaaliya.

Xilligaas wuxuu kamid ahaa madaxda Al-Shabaab, waxaana raadinayey dalalka Itoobiya iyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku daray liiska dadka la raadinayo, isagoo dhaawac ka soo gaaray duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku qaaday.

Ciidamada Itoobiya ee howlgalka waday ayaa sheegay in aysan ujeedkoodu ahayn dilkiisa balse ay doonayeen inay qabtaan isagoo nool, sida uu BBC-da u sheegay Kornayl Gebre Egziabher Alemseged oo hoggaaminayay howlgalka lagu qabtay Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe wuxuu ahaa taliye ka horyimid ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya soo galay si ay u taageeraan dowladdii Kumeel-gaarka ahayd.

Taliskii Raas-Kambooni oo Axmed hoggaaminayey waxaa markii hore sameeyay ururkii Al-Itixaad, balse Maxkamadihii Islaamka ayaa ka dhigay garab militari.

Axmed Madoobe ma ahayn oo keliya mas’uul sare oo ka tirsan Al-Shabaab balse wuxuu mar ahaa qofka labaad ee ugu sarreeya.

Axmed Madoobe wuxuu sannadihii 1980-aadkii ku biiray ururka Al-Itixaad oo ahaa ururkii dhalay Al-Shabaab.

Sannadkii 2006 ayay ahayd markii Maxkamadaha Islaamka ay qabsadeen Muqdisho, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Qaar kamid ah xubnaha maxkamadaha ayaa doonayay inay sameeyaan garab mintid ah, iyagoo aaminsanaa in Maxkamadaha aysan dhab ka ahayn jihaad, taas ayaana dhalisay Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa loo doortay hoggaamiye ku-xigeenka ururka Al-Shabaab.

Kornayl Gebre Egziabher Alemseged waa sarkaalkii markii Axmed Madoobe dhaawaca ahaa la qabtay diyaarad ku geeyay Addis Ababa.

“Axmed Madoobe waxay ciidamada Itoobiya u jabiyeen hab qalbi-jab ah,” ayuu yiri kornayl Gebre.

Kornaylka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu dagaalka hoggaaminayay laga soo billaabo Jubooyinka ilaa Baydhabo.

Janaraal Gebre Dilla iyo Kornayl Gebre Egziabher ayaa hoggaaminayay ciidamadii Itoobiya ee qabtay Axmed Madoobe.

“Waxaa nalagu amray inaan qabanno oo aannaan dilin,” ayuu yiri kornayl Gebre Egziabher.

Wuxuu intaa ku daray, “waxaan ku dadaalnay inaan qabanno isagoo nool, wuxuuna dagaallamay ilaa uu dhaawacmay.”

Ugu dambeyn Axmed Madoobe sideed xabadood ayaa haleelay, isagoo si halis ah loogu dhaawacay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, waxaana la qabtay isagoo dhaawac halis ah qaba.

Kornaylka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ahaa qofka keliya ee ka badbaaday siddeed qof oo la socotay.

“Aniga ayaa helikobtar ku qaaday oo geeyay Addis Ababa,” ayuu yiri Kornayl Gebre.

Warbaahinta Koonfur Afrika, gaar ahaan joornaalka Mail & Guardian, ayaa xilligaas qoray in Itoobiya ay soo bandhigtay Axmed Madoobe oo ahaa hoggaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab.

Raggii xilligaas la dilay waxaa kamid ahaa Abu Talha al-Sudani oo ahaa hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Bariga Afrika, kaasoo aad ugu dhowaa Osama bin Laden, kuna xeel-dheeraa sameynta qaraxyada.

Kornayl Gebre iyo Ambassador Wondimu ayaa xaqiijiyay in Abu Talha lagu dilay weerar ay qaadeen ciidamada Itoobiya.

Ra’iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in madax badan oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ay kasoo jeedeen ururkii Al-Itixaad oo Itoobiya dhibaato ku hayay.

Al-Itixaad ayaa Itoobiya ka fuliyay weeraro badan, sida qarax ka dhacay suuq ku yaal Diridhaba sannadihii sagaashamaadkii oo ay ku dhinteen 15 qof.

Ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya ka baxay 2009 iyagoo sheegay inay burburiyeen khatartii argagixisada, inkastoo kooxda Al-Shabaab awood cusub yeelatay.

Axmed Madoobe oo muddo labo sano ah joogay Addis Ababa ayaa lagu daaweeyay isbitaalka ciidamada Itoobiya.

“Dhiig Itoobiyaan ah ayaa lagu shubay, dadaal weyn ayaana lagu badbaadiyay,” ayuu yiri Ambassador Wondimu isagoo dhoollacadeynaya.

Ambassador Wondimu ayaa sheegay in Axmed Madoobe ku hadli karo luqadda Axmaariga, inkastoo ay ku adagtahay.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Axmed Madoobe xirnaa, balse kornaylka iyo safiirka ayaa beeniyay arrintaas.

“Ujeedkeenu wuxuu ahaa inaan ka dhignno saaxiib, ee kuma xalineyn Soomaaliya xarig,” ayuu yiri safiirka.

Axmed Madoobe ayaa guursaday haweeney Itoobiyaan ah intuu Addis joogay, isagoo halkaas cunug loogu dhalay.

Ujeedka Itoobiya waxay ahayd in la beddelo fikirkiisa, kana horjeesto Al-Shabaab, ayuu yiri Kornayl Gebre.

Axmed ayaa kulamo joogto ah la yeelan jiray Meles Zenawi, wasiirkiisa arrimaha dibadda Seyoum Mesfin iyo wasiirkii caafimaadka Tedros Adhanom.

“Waxaa naga go’nayd in fakarka xagjirnimada laga saaro, Axmedna waa aqbalay,” ayuu yiri kornaylku.

Axmed Madoobe ayaa markaas kadib saaxiib dhow la noqday Itoobiya iyo Kenya, iyadoo labada dal ay taageereen inuu Madaxweynaha Jubaland noqdo.

Ambassador Wondimu ayaa sheegay in xiriirka Axmed Madoobe iyo Itoobiya uu ahaa mid labada dhinac dani ugu jirto.

Xiriirkaas ayaa sii xoogaystay markii uu Itoobiya Ra’iisul wasaare ka noqday Abiy Axmed.

Xigasho: BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this