Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo isku shaandhayn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1742204539939.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo isku shaandhayn ku sameeyay Xukuumadda XFS ayaa magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya Golihiisa Wasiirada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale beddel ku sameeyay qaar kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirada kuwaasi oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo wareejiyay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda DFS.

Saddex Wasiir ayaa la isku bedelay oo loo kala wareejiyay Wasaaradaha ay kala joogeen, halka labo wasiir xilka laga qaaday, sidoo kale waxaa Golaha lagu soo daray Wasiir kuxigeeno cusub oo qaarkood Xildhibaano ah, kuwa horay xilalkaas u hayay waa laga qaaday.

1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗮

2. Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗱𝗱𝗮

3. Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) –  𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮

4. Md. Maxamed Faarax Nuux  –  𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝘂𝘂𝗹𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗛𝗮𝘄𝗮𝗱𝗮

5. Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali –  𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗖𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮

6. Md. Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) –  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

7. Mw. Sahuur Xaaji Culusow Xasan –  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha

8. Md. Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha

9. Md. Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

10. Mw. Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada

11. Md. Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada

12. Mw. Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

13. Md. Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) –  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha

14. Md. Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) –  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta

15. Mw. Dahabo Suusow Muunye  –  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

16. Md. Cismaan Axmed Macow  –   Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo isku shaandhayn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this