Sign in to follow this  
Dhubad.

Gesigeygaa la dhiibayaa (Hees ku Socota Faroole) - Song

Recommended Posts

Dhubad.   

:D

 

The ONLF folks are getting well organised! The poems, songs and the campaign all go hand in hand. I think the so called PIS and Puntland admin would had to think twice from now on before they hand an ONLF member to the enemy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Wiilasha ONLF u dhashay ee Boosaaso lagu bahdilay & wixii uu Faroole kayidhi maalinkii laqabqabtay Halkan ka dhagayso

 

Heesaaga ONLF waa gartiis:

 

Hadaad maanta dhiirantahay

Beriba dhankalay martaa

Dharaariba waayaheed

 

Dhacdadu waa xaajo ugub

Dulqadkuna iga dhamaa

Ninkii dhiman yeelkadii

 

Dhiishii Nabadaa Jabtoo

Waxba dhowran maayee

 

Geesigeyga la dhiibayaa....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sanadkii 1914 Ciidan lafta uu Sayidkii ka dhashay ah ,Kana tirsanaa Daraawiishta yaa kasoo duuley Illig oo waxeey mireen taliskii reer Hobyood ee Yuusuf Maxamuud, Keenadiid.

 

Ciidankaas iyo ciidanka reer Hobyood waxaa dagaal ba'ini ku dhex maray ceelka la yidhaahdo Ina Diinle kobtaas guushii waxay ku raacday Sayidka reer tolkii iyo Daraawiishtii guud ahaan, rag badana lagaga laayey Ina keenadiid ciidankiisii, isla markaan laga qaaday wax Alaale wixii reer Hobyood geel ujoogay.

 

Sayid Maxamed oo tilmaamaya libinta usoo hooyatay reer tolkii, isla markaana ku diganaya raggii ay dagaalka la galeen, ayaa mariyay gabaygan soo socda oo yidhi, Allaha unaxariistee:

 

Col humeeysan hiirtii haddaan ilig ka heenseeyay

Sengeyaasha haadka ah hadaan halabsanoo fuulay

abaanduule haybale hadaan boqol nin hawl saaray

 

Malag aan habaabeyn hadii nala hor qaadsiiyay

Kuwii loo hammuun qabey hadaan uga hagaag yeelay

Hiidda Golol hobyiyo Gaalkacayo heegankii tubaye

 

Hadaan heel banaan ugu arumay halab dagaalkeeda

Higta qumaca maaraha hanqadha hugunka baaruuda

Takarkii hubeerka u ekaa haatuf uga roorye

 

Ha yeeshee hubkana waan ka siday hanadadiisiiye

Hilbahooda waatuu tukuhu haystay bahalkiiye

Hawa badane reer Mahad hadaan hooyadiis kudiyay

 

Intaan wada hogaan baray midgaha hilin ma qaadsiiyay

Haasaawe layskuma xantiyo Habar duleedkeede

Haadaa qabiil nimaan ahayn hadalkii waa beene

 

Askartii hareedada xumayd ways hundo ogeeyne

Heeraaga goortaan wadnaha hubuq ka siinaynay

hooghoogney waatay lahayd sida haweenede

 

Rag haday hinaasiyo col iyo hiinyo kala gaadho

ama heerigaas talada guud kaga heshiin waayo

In kastoo hurdubo laysku wada haayir iyo gaadmo

 

Halo buubsashiyo tuugo waa ka humbulaataaye

inay had iyo geeriyi ka dhici hubanti weeyaane

waxay hibadu raacdaa ninkii hiil ilaah qaba e

Haaka Allee eeboow ninkii libin hoyaadshaa leh

 

Kolka, Faroole oo ku caanbaxay wax Islamnimada, Somalinimada iyo darisnimada ka baxsan meesha waxgaradkii, culamaa’udiinkii iyo Isamadii ay noqdeen mid ka aamusey iyo mid u hanbalyeynaya ma ku dhici doontaa tii ku dhacday Ina Kenadiid oo kale?

 

Wax walba filo awoowe!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this