Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan laf dhuun-gashay ku noqday DF oo laga saaray xubinimadii BF + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Abiib.jpg?fit=584%2C600&ssl=1

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan golaha, kaas oo horay laf dhuun-gashay ugu noqday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaankan oo marar badan fadeexo iyo musuq-maasuq ku eedeeyay dowladda, isla markaana warbixino u gudbiyay hay’ado caalami ah ayaa ugu dambeyn maanta laga eryay baarlamaanka, kadib go’aan uu soo saaray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Go’aanka oo lagu caddeeyay warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in xildhibaan Abiib uu lumiyay xubinimadiisii golaha shacabka, sababo la xiriira inuu soo xaadiri waayay laba fadhi oo uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya.

“Hadaba Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ma uusan soo xaadirin golaha shacabka in ka badan laba fadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidaas daraadeed wuxuu lumiyay xubininimadiisii golaha shacabka si waafaqsan qodobka 59-aad, faqradiisa (d) iyo qodobka 8-aad faqradiisa (4) ee xeer hoosaadka golaha shacabka”.

Dhanka kale, guddoomiye Aadan Madoobe ayaa faray in si deg deg ah loo soo buuxiyo kursigan oo uu tirsigiisu yahay HOP#201, deegaan doorashadiisuna tahay gobollada waqooyi ama Somaliland.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka isagoo dhaqangelinaayo qodobka kor ku xusan wuxuu ku wargelinayaa hay’adaha ay quseyso inay soo buuxiyaan kursiga banaanaaday iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan dastuurka” ayaa mar kale lagu yiri warqadda.

Gaba-gabadii waxaa warqadda lagu yiri “Go’aankan wuxuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo guddoomiyaha golaha shacabka BJFS, wuuna saxiixay”.

Xildhibaanka la eryay ee Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa xilligii doorashada kusoo baxay kursigan oo uu horay ugu fadhiyay wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo isna gebi ahaan ka baxay siyaasadda Soomaaliya, dibna ugu laabtay Somaliland.

482100963_974369291540373_41923070254618480224505_974369328207036_27613700442965484031313_974369298207039_86769718962942

The post Xildhibaan laf dhuun-gashay ku noqday DF oo laga saaray xubinimadii BF + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this