Sign in to follow this  
DigibAc

coalition of resistance forces fight on

Recommended Posts

DigibAc   

Dagaal kii ugu xoogganaa oo maanta Muqdisho ka dhacay

 

Khamiis, April 26 2007(HOL): Dagaal kii ugu xoogganaa oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo kacdoono wada oo ka soo horjeeda.

 

Dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgaleen Taangiyada Ciidamada Itoobiya iyo Madaafiic waa weyn oo laga tuurayay Xarumo ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay dad ka badan 20 ruux oo u badnaa dad rayid ah oo guryahooda ku sugnaa. Dadkaasi geeriyooday waxaa ka mid ahaa rakaab saarnaa gaari bus ah oo marayay wadada warshadaha, kaasi oo uu ku habsaday Madfac habow ah.

 

Waxyeellada dagaalkan ayaa ka yar kuwii hore, wuxuuna ku soo beegmayaa iyadoo ay magaalada ka bara kaceen inta badan dadkii ku dhaqnaa, taasina waxay keentay in madaafiicda la isu adeegsanayo ay ku dhacaan guryo maran oo aan cidna joogin, marka laga reebo hal iyo labo ruux oo guryaha ilaalo ahaan u jooga.

 

Dagaalkan Muqdisho ka socda oo galay maalintii 8aad ayaa wuxuu keenay dhimasho iyo dhaawac aad u tiro badan, kuwaasi oo soo gaaray dad rayid ah oo guryahooda iska joogay, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic aan loo meel dayin oo ay isku ridayeen labada dhinac ee ku dagaalamaya magaalada Muqdisho, haba ugu badnaadeen kuwa ay ridayaan Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Isbitaalka magaalada Muqdisho ayay dagaalladan saameyn ku yeesheen, waxaana horay u xirmay Isbitaallada Xayaat, Carafaat iyo Cali Xasan, halka ay Isbitaallada SOS iyo Banaadir oo lagu xanaaneyn jiray Hooyada iyo Dhallaanka ay isu bedeleen Isbitaallo lagu daweeyo dhaawacyada, waxaana taasi sababay waddooyinkii loo mari lahaa Isbitaallada dhaawacyada qabta oo xirmay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ahaa kii ugu xoogganaa ayaa waxaa ka hadlay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo sheegay in dagaalka ay guulo ka soo hooyeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo garabsanaya Ciidamada Dowladda Itoobiya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay soo af-jarmayaan dagaalladii Muqdisho ka socday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this