Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war culus kasoo saaray xiriirka Al-Shabaab iyo Xuuyitiyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Shabaab-Xuutiyiinta.jpeg

Dowladda Mareykanka ayaa war culus kasoo saartay walaaca xooggan ee laga muujinayo xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen.

John Kelly, oo ah ku simaha safiirka Mareykanka ee Golaha Ammaanka ayaa Isniintii shalay shaaca ka qaaday inay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada labada kooxood iyo iskaashiga cusub ee ay sameysteen, taas oo halis ku ah ammaanka gobolka.

Ku simaha safiirka Mareykanka ee Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in la iska kaashado la shaqeynta guddiyada golaha ammaanka ee Yemen iyo Soomaaliya, si loola socdo xiriirka ka dhexeeya labada urur, oo Maraykanku u arko ururro argagixiso.

Sidoo kale wuxuu danjiruhu khudbadiisa ku sheegay in sidoo kale ay jirto halis kale oo kasoo korortay tahriibinta sharci darrada ah, gaar ahaan dadka kasoo gudbayo Badda Cas ee isku xireysa labada argagixiso ee fadhihoodu yahay Soomaaliya iyo Yemen.

“Waddooyinka tahriibinta ee ka gudba Badda Cas ee isku xiraya kooxaha argagixisada ah ee fadhigoodu yahay Soomaaliya iyo kuwa Yemen waa in lala yimaada muhiimad weyn iyo iskaashiga caalamiga ah” ayuu khudbadiisa ku yiri John Kelly

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan ka walaacsanahay xiriirka sii kordhaya ee haatan ka dhexeeya Kooxda Al Shabaab iyo Xuuthiyiinta dalka Yemen.”

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Mareykanka uu taageerayo guddiyada QM ee qaabilsan cunaqabateynta saaran Yemen iyo Al-Shabaabka Soomaaliya oo mar kale dib loo cusbooneysiisay Isniintii shalay, si loo qaado tallaabooyin kale oo lagu beegsanayo argagixisada.

“Waxaan dhiirigelineynaa wadahadal dhexmara guddiyada cunaqabateynta saaran Yemen iyo Al-Shabaab, iyo dalalka Geeska Afrika iyo Jaziirada Carabta, si loo iftiimiyo xiriirka Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, ugu dambeyntiina lagu kala saaro” ayuu raaciyay.

Tani waxay kusoo aaday kadib hadal uu shalay jeediyay Danjire John Kelly, oo ah ku simaha Safiirka Mareykanka ee Golaha Ammaanka, xilli muddo kordhin loo sameeyay guddiga khubarada ah ee ka caawinaya Golaha Ammaanka fulinta cunaqabateynta Al-Shabaab.

Caasimada

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this