Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar kale oo ka dhacay Jarmalka iyo Khasaaraha ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba qof ayaa dhintay, dhowr kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii gaari lagu jiiray dad ku sugnaa magaalada Mannheim ee Jarmalka Isniinta, sida ay boolisku sheegeen. Hal qof ayaa loo xiray weerarka.

Ciidamada booliska oo hubeysan ayaa xannibay bartamaha magaalada, halkaasoo la arkay gaari burburay oo muraayadda hore dillaacsan tahay.

Tan iyo bishii December, laba weerar oo gaari lagu jiirayo dad rayid ah magaalooyin kale ayaa sababay dhimashada siddeed qof.

Mannheim waxay horey u ahayd goob uu ka dhacay weerar mindi bishii May ee la soo dhaafay, kaasoo lagu dilay askari boolis ah, laguna dhaawacay shan kale intii lagu guda jiray mudaaharaad ka dhan ah Islaamka.

Boolisku ma aysan sheegan in dhacdadii ugu dambeysay ay ahayd weerar, balse waxay xaqiijiyeen in eedeysane looga shakisan yahay falka la xiray kadib markii gaariga lagu dhex waday goob wax laga dokaameysto abaare 12:15 duhurnimo (1115 GMT).

Afhayeenka booliska, Stefan Wilhelm, ayaa sheegay: “Waxaan xaqiijin karnaa in gaari lagu waday aag loogu talagalay lugayn, waxaana la xaqiijiyay in hal qof dhintay.”

Wuxuu intaa ku daray: “Hal qof ayaa loo xiray falka, baaritaankuna waa socda.”

Wilhelm ayaa sidoo kale dadka deegaanka ugu baaqay inay ka fogaadaan bartamaha magaalada, maadaama boolisku ay wadaan hawlgal ballaaran. Ciidamada ammaanka oo hub culus watay ayaa xannibay goobta, waxaana cirka marayay diyaarado helikobtar ah.

Khasaaraha weerarka

Wargeyska Bild ayaa sheegay in laba qof ay dhinteen, halka 25 kalena ay ku dhaawacmeen dhacdada, iyadoo sawirro la baahiyay ay muujinayeen ambalaasyo taagan agagaarka taallada taariikhiga ah ee magaalada.

Wariye ka tirsan telefishinka NTV oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in “ugu yaraan hal qof la daboolay maydkiisa” iyo in kabaha carruurta la arkayay iyagoo daadsan goobta shilka ka dhacay.

Boolisku waxay ku wargeliyeen dadka deegaanka inay ka fogaadaan bartamaha magaalada, maadaama inta badan goobta la daadgureeyay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolka Baden-Württemberg ayaa shacabka uga digtay “xaalad halis gelin karta nolosha,” iyadoo farriin ku dirtay app-ka digniinta masiibooyinka.

Waaxda daryeelka degdegga ah ee isbitaalka jaamacadda Mannheim ayaa soo saartay heegan caafimaad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this