Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib weerarkii Shabaab ee Ceel Cali Axmed, maxaa dhacay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabab-Shabaab.jpeg?fit=960%2C585&ssl=1

Beledweyne (Caasimada Onlin) – Dagaal-yahaanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday deegaank Ceel Cali Axmed, halkaasi oo horey u weerartay kooxda.

Weerarkan ayey ciidamada xoogga dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ku jabiyeen dagaal-yahaannadii soo qaaday weerarka, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaashad dadka deegaanka ayaa maanta Khawaarijta ku jabiyay weerar nafla caari ah oo ayt isku dayeen inay ku qaadaan deegaanka Ceel Cali Axmed,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Ciidamada iskaashanaya ayey dowladda sheegtay inay hore uga feejignaayeen dhagarta cadowga, islamarkaana ay maleeshiyaadkii kooxda ka hor istaageen isku daygii ay rabeen inay ku qabsadaan Ceel Cali Axmed.

“Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo ciidamada xaq u dirirka ee dadka deegaanka oo si weynu foojigan ayaa jab xooggan gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah, waxaana ay ka hor istaageen isku daygoodii liitay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Ciidamada ayaa ku guuleystay inay laayaan maaleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee soo weeraray, iyadoo ciidamada iskaashanaya ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Ceel Cali iyo deegaannada ku dhow-dhow.

“Xogta khasaaraha gaaray cadowga iyo macluumaadka howlgallada ballaaran ee ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda wadanka, dib ayaa laga soo gudbin doonaa asaga oo faah-faahsan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

481778764_1149977577168847_6457582321841

The post Kadib weerarkii Shabaab ee Ceel Cali Axmed, maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this