Sign in to follow this  
Mahdi

Wafdi Chines ah oo soo gaaray Puntland

Recommended Posts

Mahdi   

Wafdigan ayaa ka koobnaa inj-ro ka socda shirkad dhisme ah oo laga leeyahay wadanka China iyo ganacsato Somali ah ayaga oo eegayay goobaha dayctirka u baahan ee PL.

 

Inj. ka socda shirkadan ayaa horay u yimi MGPL iyaga oo ku maray kormeer Dakada Magaaldaa Bosaso iyo wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacayo, wadadan ayaa horay waxa u dhisay wadanka Shiinaha.

 

Shirkadan ayaa danaynaysa in ay qandaraasyo ku qaadato dib u dhiska wadanka Somaliya hadii dowlada Shiinuhu bixiso mashaariic la xiriirta arimahan.

 

Inj-radan ayaa ka soo dagay Magaalada Bosaso isla markaana booqasho ku tagay goobaha u baahan dayactirka sida Dekada Magaalada Bosaso, Gegida Diyaaradaha ee Bosaso iyo goobihii hore ee dowlada.

 

Wafdigan ayaa kadib u soo gudbay xarunta dowlad goboleedka Puntland ee Garowe halkaas oo ay kula kulmeen mas'uliyiinta mamulka gaar ahan Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Calimiga ah Mud.Cabdiraxman Maxmad Farole.

 

Kulankaa ka dib xubnahaan ayaa kormeero ku maray xarumaha Dowlada ee MGPL iyo Garoonka Garowe, wafdigan ayaa ka dib u gudbay wadada isku xirta Magaalada Garowe iyo Gaalkacyo.

 

Wadadaan ayaa ah mid aad u burbursan isla markaana u baahan dayactir xoogan taas oo shirkadanu muhiimada wayn ay siinayso sidii ay uga qayb qaadan lahyd dib u dhiskeeda.

 

Shirkadan ayaa ka wada mashaariic badan oo dowlda Shiinahu ugu deeqday wadamada Afrika gaar ahaan waxa ay howlo ka wadaa dakada wadanka Jabuuti oo ay mashruuc lagu balaarinayo ka wado.

 

Garoweonline.com

Qolka wararka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this