Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Madaxweyne Geelle: Sidii dowladihii hore lugaha loo haystay, tana in lagu daro baa l

Recommended Posts

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladiisu taageereyso rabitaanka maamulka Soomaaliyeed ee dhowaan lagu doortay dalka Kenya

 

Waxaa uu ku tilmaamay in aanay jirin cid ballan qaadday in ay bixineyso kharashka ku baxaya ee dal walba laga doonayo in wixii uu ku taageeri karo Soomaalida iyo Madaxweynaheeda uu siiyo.

 

Dhanka kale wuxuu ku tilmaamay in looga baahan yahay in baarlmaanku uu arrintaa ansixiyo inta aan lagu dhaqaaqin.

 

Waxaa uu wax lala yaabo oo jahawareer abuuraya uu ku tilmaamay Wasiirrada ku hadlaya hadal si toos ah u khilaafsan codsigii Madaxweynahooda.

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu sheegay in aanay jirin cid Soomaaliya soo weeraraysa ama qabsaneysa.

 

Annagu dadka afti kama qaadeyno ayuu yiri oo dowladdooda ay iyagu doorteen uma gacan dhaafeyno, sidaa darteed baarlamaanka ayeey ku xiran tahay ayuu yiri.

 

 

Ethiopia iyadaa sheegtay in ay xasaasi noqoneyso haddii ay ciidankeeda u dirto Soomaaliya. Waxay sheegtay in ay door bideyso in ay si kale u taageerto IGAD.

 

 

Madaxweyne Geelle

 

Madaxweynuhu isaga oo ka hadlayay dalalka deriska ah, waxaa uu sheegay in markii madaxda IGAD mid walba la weydiiyay tirada ciidanka uu u diri doono Soomaaliya, ay Ethiopia ahayd dalkii ugu horreeyay ee sheega in ciidammo Ethiopian ah oo Soomaaliya loo diraa ay tahay arrin xasaasiyad leh, oo ay jeclaan lahayd in wixii kale ee looga baahdo ay ku taageerto IGAD .

 

Kenya isaga oo ka hadlayay waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Kenya iyada oo shirka marti gelisay, haddana uu wasiirkeedu markiiba ka sii afeefto go'aankii ay madaxda IGAD gaartay.

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu sheegay in ay dowladdiisu si buuxda u taageersan tahay dowladda Soomaaliyeed ee uu Madaxweynaha u yahay Cabdullaahi Yusuf Axmed.

 

Waxaa uu ku tilmaamay in aan arrintu ahayn wax Djibouti ku xiran ee ay tahay aayaha Soomaaliya iyo go'aanka dadka Soomaaliyeed, Djibouti-na ay ku taageersan tahay Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this