Sign in to follow this  
xiinfaniin

Yey vs. Nur: who has the mp votes

Recommended Posts

Caawa Baydhabo waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Labo Raysalwasaare.

 

Caawa waxaa jooga Baydhabo xildhibaano Baarlamaan oo gaaraya 176 xildhibaan

 

Waxaa si buuxda ula socda Madaxweynaha 73 xildhibaan, Halka Nuur Cade ay taageersan yihiin 103 Xidhibaan

 

Ma jiro kulan sharci ah oo baarlamaanka Soomaaliya u fariisan karo haddii ayan goobta shirka soo xaadirin 139 xildhibaan, taasoo ka dhigaysa go'aan kastoo Aaden Madoobe ku dhawaaqo mid aan sal sharci lahayn

 

Kulankii Maanta ee lagu ansixin lahaa go'aamadii shirkii Jabuuti waxaa qaadacay 73-da xildhibaaan ee la safatay madaxweynaha, waxaana goobta shirka soo xaadiray oo fadhiyay 103-da xildhibaan ee la safan raysalwasaare Nuur Cadde

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamanka Somalia oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey natiijada shirkii Jabuuti iyo xildhinaanada oo loo qeybiyey mowshin xilka looga xayuubinayo C/llaahi Yuusuf

 

Xildhibaanada baarlamanka federaalka Somalia ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey maanta qodobadii ka soo baxay heshiiskii ay magaalada Jabuuti ku kala saxiixdeen DF iyo isbaheysiga dib u xoreynta Somalia ka dib markii kulankooda la soo hor dhigay Heshiiska oo uu ka hor aqriyey wasiirka dib u heshiisiinta ee xukuumada RW Nuur cadde C/waaxid Cilmi.

 

“Waxaa fadhiga maanta soo xaadiray illaa 151 xildhibaan heshiiskii awood qeybsiga ee DF iyo isbaheysiga dib u xoreyhta ku gaareen Jabuuti waxaa ogolaatay 151 xildhibaan, wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jiro sidaa awgeed heshiiskaasi waa ansax baarlamankuna waa uu ogolaaday” ayuu yiri Guddoomiyaha baarlamanka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir gudoominayey shirkaasi ka dib markii cod la geliyey heshiiskaasi.

 

Dhinaca kale, xildhibaanada baarlamanka ayaa waxaa loo qeybiyey qoraalo ku saabsan mowshin ay ku saxiixan yihiin illaa 135 xildhibaan oo la doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, kaasoo sidoo kale xildhibaanada laga hor aqriyey waxaana xildhibaanada mowshinku saxiixay ay ku eedeeyeen madaxaweynaha qodono ay ka mid yihiin inuu ku tuntay axdiga ku meel gaarka ah iyo kuwo kale oo aad u badan.

 

Daynile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this