Sign in to follow this  
Abwaan

Jabuuti oo wax aan la aqbali karin ku tilmaantay in dayuuradaha Maraykanku ay dalkeed

Recommended Posts

Abwaan   

Jabuuti oo wax aan la aqbali karin ku tilmaantay in dayuuradaha Maraykanku ay dalkeeda duulaamo uga qaadaan Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibedda dowladda Jabuuti Max'uud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dalkiisa uusan marnaba aqbali doonin in dayuuradaha Mareykanka ka weeraraan dalka Soomaaliya, isagoo meesha ka saaray ineysan jirin wax duuilimaadyo ah oo Jabuuti ka kacay oo soo duqeeyay Koonfurta Soomaaliya.

 

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya aysan joogin rag ka tirsan Argagaxida caalamiga ah, isagoo tilmaamay in xilligan ay ka filayeen Mareykanka inuu taageero Soomaalida, isagoo wasiirku sheegay in uu si aada ah uga xun yahay waxyeelada dadka rayidka ah ka soo gaartay duqeynta dayuuradaha Mareykanka, wuxuuna muujiyey in xukuumada iyo shacabka Jabuuti ay ka gubanayaan waxyeelada dadka Soomaaliyeed loo geysanayo iyo haddiba ay dhacday in dalkeeda laga soo weeraray.

 

"Mareykanka iskuma ogeyn inuu Soomaaliya weerar ku qaado, isagoo ka duulaya saldhigyada Jabuuti, heshiiska aynu kasiinay saldhiogyadana kuma jirin sidaa, haddiise taasi ay jirto waa arin Dowladeed isla mar ahaantaana waan kala xaajoon doonaa," ayuu yiri Wasiirka arimaha dibeda o dhinaca kale sheegay in Jabuuti aysan kala jecleyn Soomaalida isla markaana aysan jirin cid ay taageersan tahay iyo cid ay kasoo horjeedo mar walbana ay ku dadaasho nabada iyo xasiloonida Soomaaliya sidii ay usoo laaban laheyd.

 

"Dowlada Jabuuti marnaba ma taageersano in ciidamada ay joogaan gudaha Soomaaliya, Soomaalida iyaga ayaa heshiin kara ha la isku daayo laakiin Itoobiya waa iney si deg deg ah Soomaaliya ugu baxdaa," ayuu hadal yiri Max'uud Cali Yuusuf oo intaa ku daray in Jabuuti aysan maarnaba taagee in maxkamadaha Islaamiga ah ee hadda laga awood roonaaday, balse ay tageero u heysay waxqabadkii ay talaabsadeen mudadii yareyd ee ay gacanta ku hayeen qeybo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

 

 

 

 

C/shakuur Cilmi Xasan-Muqdisho-Soomaaliya

cabdishakuur48@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this