Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu calm: Police security forces take steps...

Recommended Posts

Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgalladii ugu horeeyay sameeyay

 

Arbaco, January 10, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa maanta waxay fuliyeen howl-gallo hub uruurin ah oo ay ka sameeyeen xaafado u dhow Wadada isku xirta Isgoysyada KM4 iyo KM5 oo habeennadii la soo dhaafay ay qaraxyo ka dhacayeen.

 

 

 

Howlgalka ay Ciidamada sameeyeen ayaa la sheegay in ay ku soo heleen Hub ay ka soo qaadeen guryo iyo dukaano ay galeen, iyadoo intii ay howlgallada ku jireenna aysan la kulmin wax iska caabin ah.

 

 

 

Habeennadii aynu ka soo gudubnay ayaa halka ay Ciidamada ka howlgaleen waxaa ka jiray falal nabadgelyo darro ah, iyadoo sidoo kalena ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo ay dad rayid ah wax ku noqdeen.

 

 

 

Dhanka kalena Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay cagta mariyeen goobo ay isbaarooyin u yaaleen Maleeshiyooyin gaadiidka ka qaadan jiray lacago baad ah.

 

 

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in ay ciidamada Booliska ka howlgaleen Wadada dhinaca Bari ee Xeebta uga baxda Magaalada Muqdisho, taasi oo ay ka dilaaceen Maleeshiyooyin Isbaarooley ah, wuxuuna caddeeyay in ay Ciidamada Booliska halkaas ka soo qabqabteen Maleeshiyooyinkii Isbaarada u tiilay oo lagu soo xiray Saldhigga Bari ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa howlgalkii ugu horeeyay oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ay sameeyaan tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DF oo soo qabqatay maleeshiyo isbaarooyin u yaalay Muqdisho.

 

Muqdisho, Arbaco 10 January 2007 Simba Radio

 

C/raxmaan Nuur Max'ed Diinaari afhayeenka DF ayaa maanta shaaciyay in Ciidamada DF ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan dhowr iyo tobban maleeshiyo ah kuwaaso isbaarooyin u yaalay deegaano dhowr ah.

 

Diinaari ayaa sheegay in in howl-gal ciidamada booliska ay ka fuliyeen aagagga Galgalato, Ceel-cadde iyo Keysaney, halkas oo uu sheegay inay hada baro ka dhigteen ciidamada DF isla markaaan dadweynaha deegaanka ka difaaci doonaan sidii ay halkaasi mar kale maleeshiyo isbaaro u dhigan laheyn.

 

C/raxmaan Diinaari ayaa ku goodiyay in gacan bir ah ay DF ku qaban doonto cid kasta oo carqadeyneysa amniga kala dambeynta dalka, iyagoo la horkeeni doono Maxkamad.

 

Diinaari ayaa sheegeen maleeshiyadkii maanta ay soo qabqabteen in lagu xiray Saldhig Bari ee degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu sheegay in lagu dhaqan celin doono.

 

Howl-galkaan lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho oo ay sameeyeen ciidamada DF ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay iyadoo ay soo dhaweeyeen dadweynaha soomaaliyeed gaar ahaa gaadiidleyda oo lacago leejo ah loogu qaadi jiray barihii ay yaaleen isbaarooyinka.

 

 

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia.

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Wararkii ugu dambeeyay xalaadda agagaarka KM4 oo maanta aheyd mid kacsan

Arbaco, January 10, 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa maanta aad u kacsanaa xalaadda KM4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ka jira dhaqdhaqaayo ciidan oo ay wadaan ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee Ethiopia oo ay ku baarayaan guraha iyo goobaha ganacsi.

 

Ciidammada ayaa waxay baaritaanno ku sameynayaan deegaannada ku dhow dhow KM4 iyo Zoppe iyadoo xalay halkaasi ay ka dhaceen weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka.

 

Waxaa la xeray goobaha ganacsiga iyadoo dhaqdhaqaaqa dadweynaha lugeynaya uu aad u yar yahay,waxaana mararka qaar dhacaya rasaas ay ridayaan ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyagu baaritaanka wada.

 

Dhanka kale ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa howlgalo burcad sifeyn ah ka sameeyay duleedka degmada Kaaraan iyo agagaarka Galgalato oo kooxo burcad ah isbaaro lacagaha Leejada looga qaadayey gaadiidka dadweynaha, waxaana howlgalkaas lagu soo qabqabtay 11 nin oo xabsiga dhexe la dhigay.

 

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda KMG ah oo ay ugu hadleyso xaalada kacsan ee agagaarka KM4 inkastoo afhayeenka dowladdu C/raxmaan Diinaari uu ka hadlay howlgalka ay ciidamada Dowladdu ka fuliyeen Galgalato iyo nawaaxiga degmada Kaaraan.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawlad Somalia oo maanta bilowday hawl gal balaaran oo lagu sugayo amaan ka Muqdisho.

 

ciidantignikodawlada.jpg

 

diinaari.jpg

 

Dawlada Somalia ayaa maanta si rasmi ah ubilowday hawlgalo lagu sugayo amaanka caasumada kadib markii weeraro isdabajooga lagu qaaday qaarkamida fariisimada ciidamada Dawlada Somalia ay kuleeyihiin caasumada iyadoo maanta la arkayay ciidamada Dawlada oo kuhaya baaritaano xoogan qaarkamida xaafadaha muqdisho oo looga shakiyay in laga soo abaabulay qaraxyadan.

 

 

Ciidamada Dawlada Somalia ayaa sidoo kale maanta weerar ku qaaday isbaaro kooxo dabley ah dhigteen duleedka magaalad halka lagu magacaabo galgalato ee duleedka waqooyi iyadoo gacanta lagu soo dhigay 11 kamida maleeshiyadii isbaaradu utiilay lana dhigay xabsiga Muqdisho kadib markii lagu eedeeyay inay falal burcadnimo ku kecee..

 

Afhayeenka Dawlada Somalia mudane diinaari oo waraysi siiyay idaacada Radio Galkacyo ayaa sheegay in ciidamada Dawladu bilaabeen maanta hawlgal aan joogsi lahayn ee socon doona ilaa gacanta lagu dhigayo amaanka caasumada iyadoo uu xaqiijiyay qabashada kooxda burcadaa oo ciidanka Dawladu soo qabteen iyaguu isbaaro utiilay.

 

Mudane diinaari oo lawaydiiyay in madaxwaynaha somalia uu kusii nagaanayo caasumada ayaa sheegay in madaxwaynuhu uu joogo caasimadii dalka cid iyo sharci ka saarayaana aysan jirin isagoo xor u ah inuu aado meeshii kale oo shaqo dawladeed uu ka qabanayo ama baydhabo ha ahaato ama galkacyo ama meel kalee.

 

Ciidamada Dawlada

Talaabadan ay maanta Ciidamada Dawladu qaadeen ayaad moodaa inay ka dambaysay amar shalay uu baxshay madaxwaynaha somalia kaasoo ahaa in hadii aysan weerarada joojin dadka caadaystay aysan dawladu udulqaadanayn ee umada laga qaban doono iyo sidoo kale maanta oo Raisal wasaaruhu ku celiyay baaqiisii ahaa in hubka la dhigo.

 

seeraar

qalay2005@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qasim_Yusuf4.jpg

 

Ciidamada Booliiska Dowlada Fkmg hawlgal ay sameeyeen ayaa waxay kusoo qabqabteen Tuugo Isbaaro u tiilay deegaanka Galgalato

 

Ciidamada Booliiska Dowlada federaalka kmg soomaaliya ayaa maanta hawlgal ay sameeyeen waxay kusoo qabqabteen Maleeshiyo Isbaaro u tiilay deegaanka Galgalato oo Muqdisho Bari kaga beegan waqooyi.

 

Ciidamadda Booliska waxay Howgalkaasi ku fuliyeen deggaanada Shekkh Cali Cabdulle, Dabakaayo Madow,,Ceel Cadde iyo Galgalato,waxayna Ciidanku fureen wadadii ay xireen halkaasi oo soo gaareen Babuur ay Maleeshiyooyinka u diideen inay halkaasi maraan.

 

Wareegto uu soo saaray Raiisul Wasaare Geedi uu ku sheegay in loogu baaqayo inay Qoryahooda ay la tagaan Xeryo loo cayimay si loo tababaro kadibna ay uga mid noqdaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

 

Afahayeenka Dowlada Diinaari oo shir saxaafadeed ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxa uu sheegay in ay sii socon doonto hawlgalada Booliiska lagana sifayn doono dhamaan isbaaraleeyda iyo waliba tuugada dhacda Mobilada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Dhagaxtuur: “Howlgal aan saakay sameynnay ayaan ku soo qabqabannay kooxo burcad ah”

 

Posted to the Web Jan 10, 16:41

 

Muqdisho (PP) - Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Galgalato iyo Warshiiq ayaa waxay ku soo qabteen burcad tiradood gaarayso 11-qofood iyo 8-qori oo ay wateen.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Ammaanka Maxamed Cusmaan (Dhagax-tuur) ayaa mar uu saxaafadda uga warbixinayay howlgalkaas ay sameeyeen wuxuu sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ay ku baadi goobayeen burcad jidka isku xira xamar iyo ceel-macaan dhigtay isbaarooyin isla markaana ku waxyeelaynayay dadka socotada ah.

 

“Waxaan howlgalkaan ku dhamqaaqnay saakay aroortii hore, waxaana u suurogashay ciidammada booliiska inay gacanta ku soo dhigaan burcad halkaas ay isbaaro u taallay iyo weliba qoryihii ay wateen” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur.

 

Mar u dhagaxtuur ka hadlay ammaanka jidkii ay saakay ka sameeyeen howlgalka ayuu sheegay inuu haatan yahay mid nadiif ah oo ay ku safri karaan gawaarida iyo shacabka waddadaas istimaala.

 

“Waxaa jidka ku sugan ciidammo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed oo sugaya ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, waxaana shacabka u sheegaynaa in waddadaas ay tahay meel nadiif ah oo lagu safri karo” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur.

 

Burcadda lagu soo qabqabtay howlgalkii saakay laga sameeyay waddada dheere ka baxda magaalada Muqdisho dhankeeda bari ayaa waxay ku xirxiran yihiin haatan saldhigga bari ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay Dhagaxtuur in sharciga la marsiin doono.

 

“Howlagalka sugidda ammaanka waa uu sii soconayaa mana ahan mid intaas lagu joojinayo, waxaana uu sheegaynaa burcadda inay ka digtoonaadaan howlaha falalka xunxun ah oo ay ka mid yihiin Isbaarooyinka iyo dhaca” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo sheegay in howlgalkooda ay sii joogtaynayaan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost – Mogadisho

 

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhagaxtuur: “Howlgal aan saakay sameynnay ayaan ku soo qabqabannay kooxo burcad

 

(Muqdisho}10.1-07

Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Galgalato iyo Warshiiq ayaa waxay ku soo qabteen burcad tiradood gaarayso 11-qofood iyo 8-qori oo ay wateen.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Ammaanka Maxamed Cusmaan (Dhagax-tuur) ayaa mar uu saxaafadda uga warbixinayay howlgalkaas ay sameeyeen wuxuu sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ay ku baadi goobayeen burcad jidka isku xira xamar iyo ceel-macaan dhigtay isbaarooyin isla markaana ku waxyeelaynayay dadka socotada ah.

 

“Waxaan howlgalkaan ku dhamqaaqnay saakay aroortii hore, waxaana u suurogashay ciidammada booliiska inay gacanta ku soo dhigaan burcad halkaas ay isbaaro u taallay iyo weliba qoryihii ay wateen” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur.

 

Mar u dhagaxtuur ka hadlay ammaanka jidkii ay saakay ka sameeyeen howlgalka ayuu sheegay inuu haatan yahay mid nadiif ah oo ay ku safri karaan gawaarida iyo shacabka waddadaas istimaala.

 

“Waxaa jidka ku sugan ciidammo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed oo sugaya ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, waxaana shacabka u sheegaynaa in waddadaas ay tahay meel nadiif ah oo lagu safri karo” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur.

 

Burcadda lagu soo qabqabtay howlgalkii saakay laga sameeyay waddada dheere ka baxda magaalada Muqdisho dhankeeda bari ayaa waxay ku xirxiran yihiin haatan saldhigga bari ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay Dhagaxtuur in sharciga la marsiin doono.

 

“Howlagalka sugidda ammaanka waa uu sii soconayaa mana ahan mid intaas lagu joojinayo, waxaana uu sheegaynaa burcadda inay ka digtoonaadaan howlaha falalka xunxun ah oo ay ka mid yihiin Isbaarooyinka iyo dhaca” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo sheegay in howlgalkooda ay sii joogtaynayaan.

 

News Desk WidhWidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

madoobe.jpg

Booliiska Dowlada Federaalka kmg oo maanta hawlgal balaaran ku filiyey deegaano ka tirsan gobolka Banaadir

 

Ciidamada Booliiska Dowlada federaalka kmg soomaaliya ayaa maanta hawlgal ay sameeyeen waxay kusoo qabqabteen Maleeshiyo Isbaaro u tiilay deegaanka Galgalato oo Muqdisho Bari kaga beegan waqooyi.

 

 

Ciidamada Booliiska Dowlada federaalka kmg soomaaliya ayaa maanta hawlgal ay sameeyeen waxay kusoo qabqabteen Maleeshiyo Isbaaro u tiilay deegaanka Galgalato oo Muqdisho Bari kaga beegan waqooyi.

 

Ciidamadda Booliska waxay Howgalkaasi ku fuliyeen deggaanada Shekkh Cali Cabdulle,Dabakaayo Madow,,Ceel Cadde iyo Galgalato,waxayna Ciidanku fureen wadadii ay xireen halkaasi oo soo gaareen Babuur ay Maleeshiyooyinka u diideen inay halkaasi maraan.

 

Wareegto uu soo saaray Raiisul Wasaare Geedi uu ku sheegay in loogu baaqayo inay Qoryahooda ay la tagaan Xeryo loo cayimay si loo tababaro kadibna ay uga mid noqdaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

 

Afahayeenka Dowlada Diinaari oo shir saxaafadeed ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxa uu sheegay in ay sii socon doonto hawlgalada Booliiska lagana sifayn doono dhamaan isbaaraleeyda iyo waliba tuugada dhacda Mobilada.

 

OlolNews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saxafiyiin booqatay waddada isku xirta Muqdisho iyo Ceel-macaan

 

gaadiid.JPG

 

Jan 11 . 2007 Radiofreesomalia.com

 

Iyadoo waddada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Dekeddii hore ee Ceel-macaan ay ka socdeen howlagallo looga nadiifinayay burcad jidgooyo dhigata waddaadaas ayaa waxaa maanta booqday saxafiyiin si ay u soo xaqiijiyaan howlaha burcad sifeynta ah ee halkaas laga sameeyay.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee Dhinaca ammaanka Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo saxafiyiinta booqashada ku tagay halkaas kula hadlay ayaa sheegay in howsha burcad sifeynta ah ay tahay mid maamulka gobolka banaadir uu ku guulaystay, isla markanaa uu sii wadi doono.

 

"Goobtaan waxay ahayd halkii lagu gubay gaari u socday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe 5/01/2007, waxaana howlgal aan ka sameynay shalay ku guulaysannay inaan ka qababqanno kooxihii burcadda ahaan ee geystaan falkaan foosha xun, iyagoo ku xirxiray saldhigga bari ee Magaalada Muqdisho" ayuu yiri Maxamed Cismaan Cali (Dhagax-tuur) oo intaas ku daray: "Isbaarooyinka yiillay Muqdisho illaa galgalato waxay ahaayeen ku dhawaad 7-isbaaro, waxaana ku guulaysannay inaan dhammaantood baabi'inno, burcaddiina xabsiga u taxaabno, annagoo weliba haynna hubkii ay wateen".

 

Shacabka Deegaannada burcadda laga sifeeyay ee ay suxufiiyiinta booqdeen ayaa ahaa kuwo aad ugu faraxsan howlgalka ay ciidammada Booliiska Soomaaliyeed oo uu horkacayay Dhagaxtuur ka sameeyeen waddooyinkaas.

 

"Waxaan marka hore mahad ballaaran u jeedinaynaa Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Guddoomiye ku xigeenka Maaamulka Gobolka Banaadir dhanka Ammaanka Maxamed Cismaan (Dhagaxtuur) oo runtii isku howlay inay burcadda aan ashaxa lahayn ka wadaan waddadaan, isla markaana kormeerrada joogtada ah ku haya" ayuu yiri Oday 60-jir ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka Galgalato oo ay la hadleen saxafiyiinta halkaas booqday.

 

"Burcaddii halkaan ku sugnaan jirtay ka hore intii aan laga nadiifin waxay nagu hayeen dhibaatooyin fara badan, balse shallay illaa maanta waxaan qabnaa nabad" ayay tiri Xabiibo Colaad oo ka mid ah dadka deegaanka, waxayna sidoo kale sheegtay inay u mahad-celinayaan Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed iyo Mas'uulyiinta Gobolka Banaadir oo isku howlay inay burcadda la dagaalamaan.

 

Guddoomiye ku xigeenka Maaamulka Gobolka Banaadir dhanka Ammaanka Maxamed Cismaan (Dhagaxtuur) ayaa howlgal uu shalay ka sameeyay waddaas wuxuu gacanta ku soo dhigay 11-burcad ah oo la sheegay inay isbaaro dhiganayeen waddadaas iyo 8-qori oo ay dadka dhac ugu geysanayeen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka gobolka banaadir oo soo qabqabtay burcad hubeysan.

 

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka banaadir maxamed cismaan dhagaxtuur oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada boolisku sameeyeen ay ku soo qabteen ilaa 7 burcad ah oo watay hal gaari oo cabdi bile ah.

 

Dhagaxtuur waxa uu sheegay in raga la soo qabtay ay howlo handadaad iyo burcadnimo ahba ka wadeen degmada dharkenleey ee magaalada muqdsishu.

 

 

 

Waxa uu sheegay in lagu soo xiray ragaasi saldhig bari degmada cabdicasiis ee magaalada muqdishu islamarkaana la gayn doono sharciga si looga abaalmariyo danbiyadii ay galeen sida uu yiri.

 

Si kastaba ciidamada Dowladda ayaa howlo burcad sifayn ah maalintii shalay ka bilaabay magaalada muqdsihu iyadoo ay qaadeen dhamaan isbaarooyinkii yiilay muqdsihu ilaa deegaanka warshiiq ee gobolka shabeelaha dhexe.

 

Maxamed bashiir shiiq carmooyin Mogadishu.

 

Mbashir7@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ciidamada Dowladda oo baaris ku sameeyay xaafado ka tirsan Muqdisho

Sabti, January 13, 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa maanta howlgalo ay ku baarayaan xaafaddo ka tirsan Muqdisho ay ka fuliyeen iyagoo bartilmaameedsanayey guryo gaar ah oo laga shakiyay iyo goobo lagu tuhunsan yahay in ay ku jiraan hub iyo rasaas.

 

Xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wada Jir oo ka mid meelaha maanta sida weyn loo baaray ayaa waxaa ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ay kusoo qabqabteen rag Oromo ah oo afar ruux gaaraya kuwaasi oo ciidamada dowladda ay kala baxeen guryahooda, waxaana la sheegay in dadkaasi ay ahaayeen kuwo weligood deganaa Muqdisho.

 

Sidoo kale ciidamada Dowladda ayaa baaris ay ka sameeyeen xaafadda Laf-Weyne ee degmada Yaaqshiid oo xalay qarax iyo rasaas lala beegsaday Hotelka ayey howlgal ka fuliyeen iyadoo aysan jirin cid ay la baxeen ciidamada Dowladda hase ahaatee waxaa ay ciidamada dowladda ay la wareegeen agagaarka Hotelka iyo Isgoyska Fagax oo ay degeen.

 

Dhanka kale ciidamada Dowladda ayaa xalay howlgal ay ka fuliyeen xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan waxay kusoo qabteen nin la sheegay inuu u dhashay dalka Lubnaan balse hooyadiisa ay tahay Somali kaasoo ka tirsanaa ciidamadii maxkamaddaha Islaamiga, waxaana ninkan lagu magacaabaa Qaalid isagoo in mudo ah ku noolaa dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale howlgal burcad sifeyn ah ayaa waxaa ay ciidamada Dowladda ay ka fuliyeen agagaarka Galgalato ee duleedka degmada Kaaraan halkaasi oo kooxo burcad ah u tiilay Isbaaro ay lacagaha baada ugu qaadayeen gaadiidleyda, iyadoo ay tahay markii labaad oo burcaddan laga eryo halkaasi, waxayna ciidamada dowladda ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah burcadaasi.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this