Sign in to follow this  
Xudeedi

Badhan: Deputy Ministers and Puntland MP's Receive an Enormous Welcome (pics)

Recommended Posts

Xudeedi   

Badhan: Waxaa saaka aroornimadii soogaadhay magaalada badhan ee gobolka sanaag wefti aad ubaaladhan oo kasocota dowlad goboleedka puntland,

 

wefdidaas oo isugu jiray wasiiro, wasiiro kuxigeen iyo xildhibaano katirsan maamulka dowlad goboleedka puntland oo uuna horkacayey wasiiru dawlaha dawlada puntland En-Cali Saalax Xamari.

 

wasiirkuxigeenka wasaarada dekedaha,Abshir Siciid Salax, wasiirkuxigeenka wasaarada maaliyada Maxamed C/laahi Bootaan iyo xildhibaano uu kamidyahay Cismaan Dalmar (Cismaan Baatrol),wefdidatan ayaa si heersare ah loogu soo dhoweeyey magaalada badhan iyagoo meelabadana kormeer kusoomaray sida xeryaha ciidamada iyo cusbitaalka magaalada badhan,iyagoo waraysi badan layeeshay masuuliyiintii aya kulakulmeen meelahaas ay booqdeen kana dhegeystay warbixin aad udheer oo katurjumaysay baayihii karjiray goobahaasi.intaas kadib wefdida ayaa ukicitantan guriga gobolka iyadoo uu horkacayo gudoomiyahay gobolka sanaag Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl)

 

Ahmed haji Mohamed (findhe)

 

Sanaagpost News Desk/Badhan

 

DSC00368.JPG

 

DSC00359.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Garoowe iyo Bosaaso ayaa sheegaya in Wasiiro iyo Wasiiro Xigeeno kamid ah Maamulka PL oo Kaashanaya Xildhibaano Golaha Baarlamaanka ay ku sii jeedaan Sanaag iyo Hayland ,Waftiga ayaa is kala qabiyay waxana la sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Wasiir ay Gaadheen Gobolka Hayland sida Xarunta Dhahar iyo Tan ku Xigta ee Xingalool

 

Xildhibaan C/Xakiin Xaaji Maxamed [Dhooba Daareed] iyo Wasiir Xigeenka Dhalinyarada iyo Sportiga Siciid Daahir Qodax ay Gaadheen Degmada Dhahar iyo Xarunta Hayland halka ay Kulamo la Yeelandoonaan dadka deegaanka Wararka ayaa sheegaya inay u sii Gudbayaan dhanka Degmada Xinaglool iyo Degmada Wardheer ee Sanaag.

 

Sidoo kale Wasiiru"Dawlaha Madaxtooyada Cumar Salaax Xamari iyo Wasiir Xigeenka Dekedaha Abshir Siciid Salaax ayaa La sheegay inay Gaadhaan Hadaaftimo ilaa Degmada Yubbe waxana ay iyana Arkidoonaan Odayaasha deegaanka ee degmooyinka ay Gaadhayaan.

 

 

Xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo ahaa Mar Gudoomiye Baarlamaan iyo Xildhibaan C/laahi Ali Xasan [il Bir] iyo Wasiir Xigeenka Maaliyada Mr Maxamed C/laahi Bootaan waxana la sheegay inay Gaadhidoonaan dhanka Degmada Warshadaha Badan ee Laasqoray ilaa Buurta Rogan ee Macagta Mashxaleed

 

Socdaalka Xubnaha Reer Sanaag iyo Puntland ka tirsan ayaa Ujeedkoodu Yahay inay Buslahda Reer Sanaag iyo Hayland Wada Tashi la Yeeshaan isla markaana u SHeegaan Mawqifkooda ah inay dadku Yihiin Maamulka Puntland.

 

Xildhibaan C/Xakiin Dhooba Daareed ayaa dhawaan BBC-da Mar uu la hadlay sheegay inay aad uga xun Yihiin Fara Galinta Somaliland ee Sanaag iyo Hayland isaga oo Beesha Caalamka Ugu baaqay inay il Gooni ah ku eegaan Daan Daansiga Somaliland ay Wado.

 

Xildhibaan Cabdi Qani Diiriyi iyo Xildhibaan C/laahi Ducaaale,Xildhibaan Kutubo ayaa Hada ku Sugan Dhahar waxana ay Safarkoodu Gaadhidoonaan Buraan ilaa Baliga iyaga oo mudo ku Sugnaandoona Xarunta Hayland ee Dhahar

 

 

Waa Waftigii ugu Miisaanka Cuslaa ee Sanaag Gaadha tan markii la doortay Madaxwaynaha Pl Horaantii Bishii Janaayo ee sanadkii 2009-

 

 

Source-Dhahar

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Great News! Keeping this delicate balance of peace and development in the Sanaag Region is very much in line with the local government's main goals and priorities.

 

Insha'allah, similar developments will be reported in other parts of the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this