Sign in to follow this  
Gabbal

This one is for Paragon; noolow adeer.

Recommended Posts

Gabbal   

Col. Ducaale Ganaane Oo Ahaa Guddoomiyihii Degmada Buaale Oo Ciidankii Ku Biirayey Kuwa Barre Hiiraale

Oct 16,2006

by Kismaayo-GEDOoNN

Col.Ducaale Ganaane oo ahaa masuulkii ugu sareeyey degmada Buaale iyo ciidamo daacad u ah ayaa la sheegay inay ku biireen kuwa taabacsan wasiirka gashaandhigga Barre Hiiraale oo ku sugan banaanka magaalada Buaale.

 

Col.Ducaale Ganaane oo asagu ka mid ahaa saraakiishii Dooxada ee ka talin jirtay magaalada Buaale ayaa la sheegay in ciidan asaga daacad u ah oo aan tiradooda la ogeyn uu ku biiriyey kuwa Barre Hiiraale oo laga yaabo inay iska horyimaadaan kuwa taabacsan kuwa maxkamadaha oo ku sugan meel magaalada Buaale ka jirta 10KM dhanka Jilib. Ilaa iyo hadda ma jiraan wax iska horimaad oo dhex maray labada ciidan.

 

Col.Ducaale Ganaane oo asagu si nabad ku joogay markii ay maxkamaduhu la wareegeen gacan ku haynta magaalada Buaale ayaa lagu soo waramayaa inuu shaki weyn uu soo kale dhexgalay asaga iyo masuuliyiinta maxkamadaha kadib markii ay maxkamadahu ay ka eryeen magaalada Jilib gudoomiyahii hore ee degmada Jilib.

 

Labo ruux oo ayaa ku dhimatay kadib markii koox dabley hubeysan ayaa rasaas la beegsadeen qaar kamid ah ciidamada maxkamadaha ee ku sugan degmada Jilib ee G/J/Dhexe. Iska horimaadkan ayaa dhacay kadib markii ay ciidamada maxkamadaha ay isku dayaan in ay hubka ka dhigaan koox hubeysan oo ku sugnaa gudaha magaalada Jilib.

 

Dhinaca kale, xaaladda magaalada Kismaayo ayaa deggan, iyada oo dadkii dhowaan ay ciidamada maxaakiimtu xirxireen xabsiga laga siidaayey ayna iminka si nabadgelyo ah ay ugu sugan yihiin guryahooda.

 

Kismaayo-Gedo-NN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

BU'AALE: Guddoomiyihii Degmada Bu'aale ee maamulkii Barre oo bilaabay inuu urursado Malleeshiyooyin

Posted to the Web Oct 16, 10:20

 

Bu'aale (PP) – Guddoomiyihii Degmada Bu'aale ee Magaalo madaxda Gobolka Jubbada Dhexe Ducaale Ganaane ayaa lagu soo warramayaa inuu bilaabay urursiga Malleeshiyooyin uu ku biiriyo kuwa Barre Hiiraale oo damacsan inay dib ula wareegaan maamulka Gobollada Jubbooyinka.

 

Ducaale Ganaane oo ay si weyn isugu dhawaayeen xagga fikirka Col. Barre Hiiraale oo laga eryay Gobollada Jubbooyinka ayaa billaabay isagoo ku sugan degmada Bu'aale inuu urursado Malleeshiyooyin isaga ka amarqaata oo ku biira kuwa Col. Barre Hiiraale.

 

Guddoomiyaha Degmada Bu'aale intii uu jiray maamulkii Col. Barre Hiiraale intii uu xoogga ku haystay Gobollada Jubbooyinka ayaa la sheegay inuu goostay inuu ku biiro gulufka kacdoon ee uu wado Col. Barre Hiiraale, waxaana lagu soo warramayaa in goobta uu ciidammada ka urursanayo ay ku sugan yihiin Maxkamadaha.

 

Arrintaan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo si toos ah uu uga soo horjeesto ruux ka tirsan maamulkii la shaqeyn jiray Col. Barre Hiiraale Maxkamadaha, waxaana la sheegay inuu ka baqay inay Maxkamaduhu ka eryaan deegaanka uu Madaxda ka ahaa sida ku dhacday Guddoomiyihii Degmada Jilib ee isla Gobolka Jubbada dhexe.

 

C/llaahi Macallin Xuseen oo ahaa guddoomiyihii Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe oo xabsiga laga sii daayay dhawaan ayaa lagu amray inuu isaga baxo Degmada oo uu deegaan ahaa u degenaa, waxaana qasab ku noqday inuu isaga baxo degmada, taasoo la sheegay inay cabsi ku keentay xubnihii la shaqeyn jiray maamulladii hore.

 

Isku soo wada duuboo Gobolka Jubbada dhexe ayaa ah goobta ugu weyn ee ay isaga soo horjeedaan Malleeshiyooyinka Maxkamadaha iyo kuwa Barre Hiiraale lagana cabsi qabo inuu ka dhaco dagaal kii ugu xoogga badnaa ee dhex mara labada dhinac oo isku haysta gacan ku haytan Gobollada Jubbooyinka.

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Horn-oow ma waxaad dooneysaa in sxbkeen Paragon sidii sxb-keen Xiin iyo "Sheekh" Jimcaale uu meesha isaga cararo. Adeeroow Paragon waa nin odaya oo meel fog jirin ha riixin oo dhiiga ha ku karkarinin. :D

 

Ramadan Kareem

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Hehehehehehe HornAfrique. You got me, Adeer. Anigu koley horaan u iri Reer-Gedo si sahal ah kuma haraan, koleyna wey soo rogaal celin doonan si kastaba ha ahaatee. Marka horta taa iga qora. Tan labaad, nimanyahow, dagaalka noo soo dedeja! Hal mar keliya inooga dhigana, illeen rasaasta iyo qashirka, iyo baaruuda oonkeeda ayaan dhararayaa.

 

Waana siduu Allamagan sheegey e', anigu koleyba idinka kama dheeri. Balse, dhiigkar ma qabo :D . Marka rag Bu'aale ciimado isku biirsadey marna kama welwelo ee waxaa ii daran in Kismaayo lagu diriro oo laga dhigo galgelin dameer, hilfaha laysku laabo. Maatida qaxeysa, daba-minshaar qooqaya iyo p10 dubmurxiska ah ayaa ka dhiidhiyaa sxbyaal.

 

Horn, wait adiga... smile.gif Soon sheekadu wey is badali doontaaye. Adiga iyara sug un aan ishaartee :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Hadaan ku iraahdana inshallah waxaa la rajaynayaa Kismaayo inuusan dagaalba ka dhacin. Alle baa og lakin waa sida la rajaynayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Adeer taa waa raxmad Illaah. Hadii aan Kismayo lagu diririn, waa lagu heshiin karaa - waana ku filantahay dadkoo dhan. Sidaaseey adiga ila tahay. A more cosmopolitcan, multi-clan and ethnic Kismayo sounds pretty good place to live.

 

Insha_Allah Dagaal waa laga maarmi doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this