Sign in to follow this  
General Duke

Clan Courts offensive falters..

Recommended Posts

^^^Ahmed here is the latest news out..

 

BAYDHABO :Maleeshiyada Maxaakiimta oo khasaare Ba’ani ka soo gaaray weerardii ay maanta ku soo qaadeen degaanka Iidaale iyo agagaarka Buurhakabo.

Posted to the Web Dec 20, 20:18

 

 

Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Maxamed Cali Yusuf, ayaa wuxuu noo xaqiijiyey in Maleeshiyada Maxaakiimtu ay sadex jeer weerar ku soo qaadeen laba aag oo kala ah, degaanka Iidaale iyo agagaarka buurhakabo, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaliya.

 

Weeraka ay soo qaadeen Maxaakiimtu waxaa ka soo gaaray khasaare aad u balaaran oo isgu jira dhimasho badan iyo dhaawac fara badan oo loo daadgureeyey magaalooyinka Buurhakaba iyo ilaa Afgooye, waxaa kaloo goobaha ay maxaakiimtu weerarka ku soo qaadeen lagaga gubay gawaarida dagaalka oo aad u fara badan, ka dib markii ciidamada qalabka sida ee soomaliya ay isaga hor yimaadeen goobahaas. Dhinaca ciidamada dowlada waxaa ka soo gaaray weerarada lagu soo qaaday khasaare aan badnayn.

 

Waxaa cad in weerarka Maxaakiimtu ay xiligaan la beegsadeen Dowlada Federaarlka ay ujeedadiisu ahayd, sidii ay u carqaladayn lahaayeen dadaalka ay wadaan wafdiga maanta soo gaaray magaalada baydhabo oo ka koobnaa madax sare oo ka socta Midowga Yurub, Jaamacada Carata, iyo Igad, waxaa kaloo Baydhabo ku sugnaa wafti ka socda Dowlad Goboleedka Puntland oo uu hogaaminayey Madaxwaynaha Puntland, wefdigaas oo booqasho wada tashi ah ugu tegey dowlada fedraalka oo hada fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.

 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay nasiib daro dagaalka iyo weerarada ay ka wadaan kuwa la baxay maxaakiimta gudaha soomaaliya, masuuliyadeedana ay iyagu qaadayaan wixii dhimasho, dhaawac, iyo bur bur ka yimaada,

 

Wasiirku wuxuu kaloo nasiib daro ku tilmaamay in 16 sano ka dib ay jiraan kuwa weli doonaya inay ummada soomaaliyeed ku maquuniyaan awood ciidan si ay ugu gaaraan ujeedadooda guracan. iyadoo ay dhisan tahay dowlad soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay kuna soo baxday qaab wadatashi iyo isafgarad.

 

puntlandgovt /puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

MANAAS OO AY LA WAREEGEEN CIIDAMADA MMI

 

Wararka degdeg ah oo hada nagu soo gaaraya khadka telephonka ee jiida hore ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maxaakiimta ay galabta gacanta kudhigeen dhamaanba xerada Manaas iyo deegaanada kuhareeraysan oo kasaareen ciidamada Ethiopianka ay afarta cisho kula dagaalamayay aagga Iidaalle.

 

Faahfaahinta dagaalka ayaa waxaa lagu sheegayaa in ciidamada maxaakiimta cutubyo kamid ah ay dhabir jabin culus kusameeyeen oo gacanta kudhigeen xerada Manaas iyo dhamaanba waxii Gawaari dagaal, hub iyo saanad ahaa ee halkaas u yiilay ciidamada Ethiopianka.

 

Gawaarida laga qaniimaystay Ethiopianka ayaan tiro lahayn, inkastoo lagu soo waramayo inay kor udhaafayaan 35 gawaaraida dagaalka sida Kaaraha, Beebega iyo kuwa jiida madaafiicda goobta.

 

Xooggaga maxaakiimta ayaa noo xaqiijiyay inay wali sii baacsanayaan firxadka ciidamada Ethiopianka ee u baxsaday dhinaca Baydhabo, isla markaasna aysan jirin wax xero dhufays ah oo ay Ethiopianka iskaga kaana caabin karaan inta udhexeesa Manaas oo aan joogno iyo magaalada Baydhabo oo aan kusii siqayno.

 

Waxii warar dheeraad ah dib ayaan idinka soo sheegi doonaa Inshaallah.

22 Dec 2006

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this