Deeq A. Posted December 19, 2024 Qoraalka ka soo baxay Taliska guud ee Booliska Somaliland. “ Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL , waxa uu gacanta ku hayaa baadhista kiiska laba marxuum oo saaka laga helay maydkooda gaadhi dhexdii degmada Gacmo-dheere ee Hargeysa. Boolisku waxa uu bulshada u xaqiijiyay in baadhista kiiskaasi ay socoto , waxaana marka ay baadhitaanku dhammaado bulshada la wadaagi doonaa natiijada kiiskan. Sidoo kale, Taliska Boolisku waxa uu digniin u dirayaa dadka baraha bulshada ku faafinaya wararka beenta ah ee ku saabsan kiiskan, waxaanan faraynaa in ay ka digtoonaadaan faafinta xogaha aan xaqiiqda ahayn.” Qaran News Share this post Link to post Share on other sites