Sign in to follow this  
Juje

Dekadaha ka baxsan Magaalada Muqdisho oo la xiray..!

Recommended Posts

Juje   

DKMG ah “laga bilaabo Maanta wey Xiran yihiin Dhamaan Garoomada iyo Dekadaha ka baxsan Magaalada Muqdisho”

 

farxaan-cali1.jpg

 

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada DKMG ah oo uu Shir Gudoominayey Cumar C/rashiid ayaa laga soo saasaray Go,aamo ay kamid yihiin in Maanta laga bilaabo Cir iyo Bad ay ka Xanibeen Dhamaan Goobaha ay ka taliyaan Xoogaga Islaamiga ah ee DKMG ah ka soo horjeeda, gaar ahaan Garoomada iyo Dekedaha marka laga reebo Garoonka iyo Dekeda Muqdish.

Farxaan Cali Max’ud oo DKMG ah u Qaabilsan Wasaarada Warfaafinta oo Shir’jaraaid Xarunta Villa Somalia Saxaafada ugu qabtay kulanka kadib ayaa ku Dhawaaqay Go’aanka lagu Xanibayo Garoomada iyo Dekedaha ku yaala Goobaha ay Mucaaradku ka Taliyaan oo Dhan.

Farxaan oo arinkaa ka hadalaya ayaa yiri:“laga bilaabo Maanta wey Xiran yihiin Dhamaan Garoomada iyo Dekadaha ka baxsan Magaalada Muqdisho ee ku xusan Go’aamadii IGAD wax Alaale wixii arimaha Bini’aadanimo ah Garoomadaas wey u furan yihiin iyo waxa alaale iyo wixii kale ee howl ah sida IGAD go’aankeeda ku Xusan Dekedaha iyo Garoomadaasna wey ka Xaniban yihiin”.

Sidoo kale Farxaan ayaa Sheegay Wixii arimo Bani’aadan ah in la soo weydiisanayo Wasaaradaha Gaadiidka iyo Dekedaha waxa uuna yiri:“Wixii arimo gaar ah ee ku saabsan gaar ahaan Bini’aadanimada waxa la soo weydiisanayaa Hey’adaha ay Quseyso oo ay kamid yihiin Wasaarada Gaadiirka Cirka iyo Dhulka iyo Wasaarada Badda iyo Dekedaha, Wasiiradaas ayaa go’aan ka gaaraya wixii ka baxsan arimaha Bini’aadani nimo ee aan ku Xusneyn go’aamadii IGAD”.

Sidoo kale waxa uu sheegay Farxaan inay Golaha Amaanka ee Q.M ka Codsadeen in ay ansixiyaan Dhamaan go’aamadaas waxa uuna Farxaan yiri: “waxaan UN-ka Qeybtiisa Golaha Amaanka ay Wasiiradu ka Codasadeen in la ansixiyo Dhamaan Go’aamadaas si buuxdana loo dhaqan Galiyo”.

Mar wax laga weydiiyey Farxaan inta ay Xirnaan Doonaan Dekadahan iyo Garoomadan ay Maanta Sheegeen in ay Xireeen ayuu ka gaabsaday Xiliga ay ku egtahay Xayiraada ay Sheegeen in ay DKMG ah Soo rogtay.

Siodaa kale Farxaan ayaa ka gaabsaday imaanshiyaha uu Magaalada Muqdisho yimid Axmed Would C/lla mar ay saxaafadu wax ka weydiisay arinkaa.

Lama oga sida uu u Dhaqan gali doono Amarkana balse Isbuucan Gudihiisa ayey haeyd markii Urur Goboleedka IGAD ay soo saareen go’aan ay ku Xanibayaan Garoomada iy Dekedaha ku yaala Gobolada ay ka taliyaan Xoogaga Islaamiga ah ee ka soo horjeeda DKMG ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

dab0 aadan lahayn haku xaarin ! ma maqli jirteen :D

 

bal niman toodii qirinqiir ku jirto .. dhulka ay ka talaayaan dhalinyara ayay rabaan inay xidhaan garoomada diyuuradaha iyo dekadaha.

 

bal aan is waydiino DKMG and what army ? are going to enforce it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geel_Jire they don't need an army to enforce it, if this dicission is approved by the security council which seems to be very likely then any ship or airplane docking on these ports and airports will be illigel, which will dry the funds and money generated by them, which will result on shortage of funds to keep the war running.

 

It seems to be smart move when you look it from thst angel, but if you look it from humanity angel this means alot of innocent civilians will suffer, people who want to travel for health, business, and other legitimate reason will pay a high price, imagine the plight of a critically ill person in Kismayo or Baidoa who needs an urgent flight to Nairobi. Ilaaho noo naxariiso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Geel_jire:

dab0 aadan lahayn haku xaarin !

Adi yusan xaarka kugu dhegenle.

 

You failed to understand how this will be enforced. Let me know when you get there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D @ "Kistoo madaxa uu ka culus yahey"

 

I see you are still butchering my beautiful language LG.

 

asxaabta sacbka u tumaysaa .. in masaakiinta meesha lagu go'doomiyo.

 

la socdo dhalinyarada mijaahidanta ah; IGAD iyo xabashi way karbaashi yaqaanan oo khibrad bey u leeyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dekedaha inoo xidha

garoomadana inoo deda

hayska degelsanaatee

Dibnihiina ha u furina

Inta shabaab ku daynayaan

Diidnay yaan ma maqlin

Hadalna ha ku daalina

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dekedaha inoo xidha

garoomadana inoo deda

hayska degelsanaatee

Dibnihiina ha u furina

Inta shabaab ku daynayaan

Diidnay yaan ma maqlin

Hadalna ha ku daalina

Is that the new national anthem of SL. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

It is the new one of sh. sharif ,,,
:D

:D:D:D:D

duf ku bax

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this