Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Government forces allies clean up areas neat attacks

Recommended Posts

Muqdisho: Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo howlgalo baaritaan ka sameeyayay xaafado ka tirsan Muqdisho

24. September 2008

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Kadib dagaalo qaraar oo xalay ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxay ciidamada Dowladda KMG oo kaashanaya ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay isku fidiyeen qeybo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka fuliyeen baaritaano xoogan oo horay aan looga baran ciidamada AMISOM iney ka qeyb qaataan howlgalada.

 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo qaba feejignaan sare, kuna hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub fara badan ayaa waxay isku fidiyeen goobihii xalay dirirtu ku dhex martay iyaga iyo kooxaha mucaaradka, halkaasi oo ay ugu shaki qabaan in laga soo abaabulo weerarada lagu soo qaado.

 

Howlgaladan ayaa waxaa ay ku qabqabteen ciidamada isbiirsanaya tiro dhalinyaro ah oo looga shaki qabo iney ku lug leeyihiin weerarada gaadmada ah ee lala bartilmaameedsado xarunaha ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

Goobaha laga fuliyay howlgaladan ayaa waxaa ka mid ah Xaafada uu degan yahay C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Dowladdii Carta lagu soo dhisay, sidoo kale ciidamada dowladda waxay galeen xarunta hey'adda Elman ee Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha, halkaasi oo ay ciidamadu ka kaxeysteen labo ka tirsan Ilaalada iyo qalab yiilay xarunta oo ay ciidamadu sheegeen in ay baaritaano u qaadayaan.

 

Howlgal noocaan kale ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM ayaan horay loo arag iyadoo howlgalkan uu sameeyn xoogan uu ku yeeshay mudadii uu socday isu-socodka dadka iyo gaadiidka oo mudo hakad ku jiray.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Yup Che, and sustained losses.

 

Dawlada Federaalka Somalia oo sheegtay in Kooxda Bilaash Xeetayaasha Al-shabab ay ku fashilmeen damacoodii ay ku xayiri lahayen Garoonka Aadan cadde.

 

Col:Dahir Xirsi "dhere' oo ah Afhayenka Ciidamada Xooga Dalka somalia ayaa shaciyey in kooxda Al-shabab ay ku hungoobeen damacoodii qalafsanaa ay ku doonayeen in ay xayiraan Garoonka shacabka isticmaalo ee Aadan cadde.

 

Col:Dahir ayaa sidoo kale tibaaxay in dhibaatada gantaalaha ay rideen ay waxyeelada ugu badan gaarsiisay shacabka aan waxba galabsan ee raydka ah

 

"Waxa ay adeegsanayaan waa hub duug ah , waxaana riadaya wiil *** oo aan cabirka aqoon sidaas aawadeed waxba kama tarayaan in ay xayiraan Garoonka Shacabka iyo DFS oo iskashanaya ayaan ka horyimid waana ka sii hor imaan doonaa"Ayu yiri Dahir Dhere .

 

Dhinaca kale mar uu ka hadlaayey dagaalkii ay shalay la galeen Ciidamada amisom iyo kuiwa DFS kooxda Al-shabab ayuu shegay in ay ku jabeen oo ay qaateen meydad aan tiro lahayn iyo dhaawac fara badan oo dagaalkaa ka soo gaaray , waxaana uu sheegay in dhinaca DFS iyo Amisom aanu wax qasaare ah gaarin marka laga tago dhaawacyo askareed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anyhow Che, attacking peace keepers is a good step. This breaks international law, and makes these dude look desperate.

 

Waxa ay adeegsanayaan waa hub duug ah , waxaana riadaya wiil *** oo aan cabirka aqoon sidaas aawadeed waxba kama tarayaan in ay xayiraan Garoonka Shacabka iyo DFS oo iskashanaya ayaan ka horyimid waana ka sii hor imaan doonaa"Ayu yiri Dahir Dhere .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this