Sign in to follow this  
MoonLight1

Dagaal dhabar jabin ah oo ay itopianka ku soo qaadeen Buuhodle

Recommended Posts

Buuhoodle oo uu dagaal lagu Culus ka dhacay iyo Xiisado kale.

 

Friday, 21 May 2010 09:28

 

Waxaa maanta duhurnimadii ka Bilowday dagaal faraha looga Gubtay gudaha magaalada Buuhoodle.

 

 

Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii Ciidamo ka tirsan Dawladda Ethiopia ee Amxaaradu ay dagaal u eg Dhabar jebin ku soo qaadeen magaalada Buuhoodle. Ciidanka Itoobiya ayaa dagaalkaas waxay ku soo qaadeen bartahamaha magaalada Buuhoodle.

 

Waxayna fureen rasaas aad u culus taasoo sababtay in dad badani dhintaa. Dhimashada ayaa hada cago cagaynaysa 13 qof oo shacabkii magaalada ah. Halka dagaal iska caabin ah oo ay qaaden shacabkuna ay ku dileen ugu yaraan 4 askari waxayna shacabku qabteen 2 askari oo ah nooca loo yaqaano Daba qoodhida.

 

Xiliga ay xabada bilaabeen Amxaaradu ayaa ahayd wakhti inta badan Ciidamadii magaaladu lahayd ay u ambabaxeen jiida hore ee Degmada widhwidh halkaasoo ay soo galeen Meshiyo ***** ah oo duulaan ah. Taasoo kentay in magaalada si hawl yar ku soo xulaan Amxaarada iyo dabaqoodhi u badan Beesha Habaryoonis oo la socotey.

 

 

Dhanka kalena waxaa la demiyey dhamaan shirkadihii telefoonada ee Hargaysa laga xukumayey si aan war loo kala qaadan. Waxaana shirkada ugu hor demeysid ay ahayd Telesom oo shacabka SSC ay aad u sitaan Kaadhkeeda. Waxaana ay arintaasi keentay in uu yaraado wararka laga helayo halkaasi.

 

 

Wax wara la soco goor dhaw.

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this