Sign in to follow this  
Gabbal

Taliskii Maleeshiyada Col.Afgaduud Oo La Qabasaday, Koojaar Oo Gacanta Lagu Dhigay.

Recommended Posts

Gabbal   

Taliskii Maleeshiyada Col.Afgaduud Oo La Qabasaday, Koojaar Oo Gacanta Lagu Dhigay Iyo Firxadkoodii Lagu Dabo Joogo

Jun 22,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

Dagaal aad u qaraar oo maanta dhex maray degaanka Buulogaduud maleeshiyo beeleedyo taabacsanaa Col.A/Rizaq Afgaduud iyo Col.Goojaar iyo ciidmo ka tirsan kuwa guutada 3aad ee fariisinkoodu yahay magalaada Kismaayo. Dagaalkaasi ayaa waxaa la xaqiijiyey in 6 gaari tikiniko iyo gaari uu leehay Col.Koojaar oo asgu lagu soo qabtay Kasuma oo firxadkoodu gaaray.

 

Ciidamo guutada 3aad ayaa sheegay inay ciidamadoodu ka dabategi doonaan jilib oo la filayo inuu firxadkoodu gaaro. Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada guutada 3aad ayaa sheegay in ay gebi ahaan gacanta ku dhigeen taliskii ciidamada Afgaduud iyo weliba degaanada ku dhow dhow. Sarkaalkan ayaa waxaa kale uu sheegay inay dhineecooda ay 3 qof ay ka dhinteen halka dhinac kalena ilaa iyo inta uu ogyahay ay tahay 10.

 

Sarkaalkan aya sidoo kale sheegay Col.Aadan Koojaar oo asgau lagu qabtay Buulogaduud, dhowaanna la keeni doono magaalada Kismaayo saxaafaddana loo soo bandhigi doono. Sidoo kale, xildhibaan Geelled Saliid iyo Col.Afgaduud oo ayagu la sheegay inay ka baxsadeen goobtii dagaalka oo ciidamadu ay ku raadjoogaan. Sarkaal u hadlay dhinaca ciidamada guutada 3aad ayaa sheegay in ka badan 9 baabuurta dagaalka iyo boqolaal ciidan ah ayaa ku raadjoogaa inay soo qabtaan Col.Afgaduud iyo xildhibaan Geelle Saliid oo ayagu hormuud ka ahaa dhibaatooyinka muddooyinka badan ka aloosnaa magaalada Kismaayo.

 

Dhanka kale, kooxo ka mid ah maleeshiyad beeleedkii uu hogaaminayay Afgaduud ayaa isku dayey inay magalaada ka soo galanaan dhanka garoonka diyaaradaha, halkaasoo ay kale kulmee iska caabin xoogan, gebi ahaan laga saaray goobahii ay ku dhuumaalaysanayeen. Sarkaal ku sugan magalaada Kismaayo ayaa sheegay inay kooxdaasii intii ka soo hartay ay labo gaari ku baxsadeen ciidamaduna ku raadjoogaan. Si kastaba ahaatee, xaaladda magaalada Kismaayo ayaa maanta deggan, inkasta oo ay weli laga gurayo dadka dhowaaca iyo ku maydka dhanka garoonka diyaaradaha oo iska horimaadkaasi u uka dhacay.

 

GEDO-NN-Kismaayo-News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this