Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Morgan Turki

Recommended Posts

"Yeelimayno In Jananadii Moragan Iyo Xasan Turki oo Ku Caaanbaxay Dabargoynta Bushaweynta Somaliland ee aanu ku dhaangadaynay Hargeysa in maanta loogu yeedho"

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

()

hadhwanaag 2006-12-18 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Agaasimaha Agoonta iyo Naafadii SNM ee Hoos taga SOOYAAL Mr Cabdi Maxamuud Warsame,ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa si kulul u naqdiyay kooxo wadaado ah oo dhawaan Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inay bilaabayaan lacag urur ay ku caawinayaan dadka Wabiyadu khasaaraha u gaysteen ee dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya.

 

Cabdi Maxamuud waxa uu sheegay in agoonta iyo Naafadii SNM ay u baahan yihiin caawimo iyo in wax loo qabto, halka lacago loo ururinayo dadku dhaqan dal kale.

 

Agaasimaha Agoomaha iyo Naafada SNM waa kale oo shrikaasi Jaraa’id kaga hadlay sida Mujaahidiintii SNM ay Mar kale diyaar ugu yihiin difaaca dalkooda.

 

Warsaxaafadeed Agaasimuhu ka akhriyay shirkaasi jaraa’id ayaa u qornaa sidan:

 

‘’Anagoo ah Bahweynta agoonta iyo Naafadii kus oo waxyeelowbay halgankii dib u xoraynta JSL waxa aanu halkan ku baahinaynaa waxyaabaha nagu kalifay in aanu soo qaban qaabino Shir Jaraa’id oo aanu kaga hadlayno Qodobadan hoos ku qoran:

 

1) Markii ay aragtay Naafadii iyo agoontii JSL in aan wax u danaynayaa haba yaraatee jirin kuna khasaareen dhamaan shacabkii ay uy soo mareen halgankii ay ku wax yeeloobeen wax ay go’ansadeen in ay iyagu iskood isku abaabulaan dhamaan Heer gobol iyo degmo kuna taageeraan Gudoomiyaha Jimciyada Mujaahidiinta SOOYAAL sidii uu u raadin lahaa xuquuqdii kaga maqnayd aqoontii naafada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba maadaama abaalkoodii laga dhigay hal bacaad lagu lisay.

 

2) Waxaanu muran ku jirin cidna aanay dafirayn in uu qarankan ku yimid halyayadii shahiiday iyo waaxyihii Naafada ee kala dhamaalmay cid uga damqanaysaa aanay jirin sida uu iyaga u damqayo waayo wuxuu kaga yaalaa wadnaha , maadaama ay kaga samreen aabahood iyo waaxyahoodii iyagoo nool la kala aasay umana dulqaadan karaan waxa kasta iyo wixii wax yeelo ku ah jiritaanka qarankan ay ku keeneen dhiiga iyo dhimashada kana horeyn doonaan wax yeelo toos ah oo ah ashkhaasta ku ashatay in ay dhibaato galiyaan abaalkii iyo tacabkoodii kaga jiray qaranka.

 

3) Waxa nagu naxdin ah ayaan daro wayna ah aadna noogu nusqaan ah in uu shacbigayagii reer Somaliland markii uu ku dhargay xornimada dhiishooduna buuxsantay uu ku hamiyo in uu yidhaahdo Muslinimaan ku caawinayaa dadka reer Koonfurka ah anaguna aan weli la agjoogno aafadii iga soo gaadhay ka badbaadintiisa dadkii reer Koonfureedka ahaa.

 

 

Haddaba, waxa aanu si badheedh ah ugu sheegaynaa dhamaan cadowga Somaliland shisheeye iyo sokoeeyaba in aanay maanta dhayal ku dumin Karin kuna adag tahay xornimadi Lixdankii sida fudud ku luntay anaguna aanu mar labaad u hori doono Naftayadii sida aanu markii horeba ugu soo hurnay lana garanayno waxaanu galno iyo waxa aanu gudnaba Itoobiyana ay ka mid tahay walaalada dhabta ah ee Somaliland leedahay tahayna wadanka qudha ee aana waligay abaalkiisa gudi karaynin kuna ool yihiin shacbi ka badan Hal Milyan oo qof oo reer Somaliland ah kuna dhaqan yihiin toddobaatan Milyan oo Islaam ah kana badan yihiin Afarlabaad iyo Shan Labaad qolyahan Soomaalida sheegata, waxsaanu garan waynay , iyadoo ummad Islaam ah la doonayo waxa loogu duulayo ummad Islaam ah , waxaanu u aragnay xeelad dan gaar gaar ah laga leeyahay lana soo dhuubayo in si yar oo fudud uu soo galo Jananadii Moorgan ka mid ahaa iyo Xasan Turki oo Magaciisuba ahaa Dabargoynta Bulshaweynta Somaliland yeeli mayo qaadan mayo in hadh wanaag loogu yeedho gaashaan layaasha aan shalay dhangadeeyay.

 

Sidaa daraadeed markii aanu aragnay Waxyaabaha dhacayaa ee ka jira Somaliland dhexdeeda una soo samirnay 16 sano wax kasta oo nagu gaf ah damqayayna Boogahayagii dhiigayay waxaanu go’aansanay Maanta in Intayada badani in ay Mar labaad ku shahiido sidii uu u jabi lahaa qarankan Somaliland’’.

 

Weriyea, Mustafe-janaale

Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa

E-mail, janaale94@ayahoo.com

 

 

 

 

 

 

 

 

Submited By hadhwanaag : 2006-12-18

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this