Sign in to follow this  
Maaddeey

Qarax miino lala beegsaday Ciidamada DKMG

Recommended Posts

Maaddeey   

Qarax ka dhashey miinada nooca meelaha fog laga hago geysteyna khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa maanta ciidamo ka tirsan kuwa DKMG la gula beegsadey agagaarka buundada labaad ee Degmada Xamar Jabab ee Magaalada Muqdisho.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxey Xarakada Shababul Mujaahidiin ayey ku sheegatey inay weerarkan iyagu ka danbeeyeen.

 

Waxaa weerarka qarax ku dhintey 6 Askari 5 kalena dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaarey sida lagu sheegay warsafaadeedka Al-shabab ka soo saartey weerarkan.

 

Ciidanka weerarka lala beegsadey ayaa ka tirsan kuwa Milateriga DKMG, gaar ahaan kuwo dhawaan tababar ugu soo dhamaadey Dalka Jabuuti oo laga keenay.

 

Weerarka ka dib ciidamadu rasaas xoogan ayey dhan walba u direen, taas oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashey gaar ahaan dhanka rayidka.

 

Arintan ayaa saameyn ku yeelatey dhaq-dhaqaaqyadii kale duwanaa ee halkaa ka jirey, inkastoo markii danbe xaaladu dib ka hagaagtey.

 

 

www.somalimirror.com

 

Daabaco

Share this post


Link to post
Share on other sites

And here is the official statement:

 

بسم الله الرحمن الرحيم

 

الحمدُ لله ربّ العالمين والصّلاة والسّلام على نبيّنا محمّد و على آله وصحبه أجمعين أما بعد:

 

Barqanimadii maanta oo Arbaca ah taariikhduna tahay 25/2/1431H kuna beegan 10/2/2010 ayaa guutada Qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay beegsadeen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Riddada kuwaas oo lugaynayay inta u dhaxaysa Dekada Muqdisho iyo Otta otto, gaar ahaan Buundada labaad ee Degmada Xamar jajab.

Qaraxa lala beegsaday Maleeshiyadaas Riddada ah ayaa ILAAHAY fadligiis waxa uu u haleelay sidii loogu tala galay waxaana goobtaas ku bakhtiyay 6 ka tirsan Maleeshiyada halka 5 kalena uu kasoo gaaray dhaawac kala gadisan.

Intaas ka dib ayaa sida caadada u ah kooxda Riddada waxay maleeshiyadii kale ee ka badbaaday qaraxa rasaas aan loo meel dayin la beegsadeen dadweynihii ka agdhawaa goobta lagu beegsaday, taas oo keentay dhaawaca dhowr qof oo rayid ah oo ay diideen maleeshiyaadku in goobta laga qaado intii muddo ah.

Guutada Qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerarkaas ay ku qaadeen Maleeshiyada Kooxda Riddada ah ugu aargudayeen shacabka Muslimka ah ee beryahan dambe sida aan kala sooca lahayn loogu dhibaateynayay Degmada Xamar Jajab iyadoo intii badnayd Dhalinyaradii degmadaas ku nooleeyd ay Maleeshiyaadka maanta la beegsaday horey ugu taxaabeen Xabsiyada lana diiday in lasii daayo ilaa inta madax furasho laga bixinay.

 

مُؤسَّسةُ الكَتائِب للإنتَاج الإعلامِي

حَركةُ الشَّبابِ المُجَاهدِين

الأربعاء 25 صفر 1431 هـ

10/2/2010

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this