Sign in to follow this  
Maaddeey

Casha Abdalla: Shirka baarlamaanka waxa diiddan madaxda dawladda, waana musuq miiran

Recommended Posts

Maaddeey   

Xildhibaanno Madaxda Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay hortaagan yihiin in Baarlamaanku uu yeesho kulammadiisa caadiga ah

 

Arbaco, April 07, 2010 (HOL) Xildhibaanno shir ku yeeshay Magaalada Nairobi shalay oo Talaado ahayd ayaa shaaca ka qaaday in fadhiyada Baarlamaanka ay hortaagan yihiin Madaxda Dowladda Soomaaliya, sidoo kalena ku eedeeyay musuqmaasuqyo lacageed.

 

Markii uu soo gabgaboobay kulanka ay mudanayaashan oo tiradoodu ka badnayn 50-xildhibaan ay ku yeesheen Nairobi ayaa waxaa saxaafadda u faahfaahiyay wixii ay ka hadleen Xildhibaanad Caasho Axmed Cabadalla.

 

"In kulammada Baarlamaanka ay qabsoomaan waxaa hortagaan Madaxda Dowladda waxayna ku guuldarreysteen inay dalka wax ka qabtaan, sidaa daraadeed si aan loola xisaabtamin ayay baarlamaanka hortaagan yihiin inuu kulammo yeesho" ayay tiri Xildhibaanad Caasho.

 

Sidoo kale Xildhibaannadu waxay shirkeeda jaraa'id ku sheegtay in Madaxda Dowladda looga baahan yahay inay afgambiyaan baarlamaanka oo noqdaan kuwo awood dalka ku qabsaday ama ay u daayaan inuu howlihiisa sii wato.

 

"Baryahaan saxaafaddu waxay hadal haysay in 16-Milyan oo Dollar oo ay xubno ka tirsan Xukuumaddu lunsadeen lagu qabtay dalka Malaysiya, waxyaabahaas oo kale ayaa loo diidan yahay inuu baarlamaanku kulammadiisa caadiga ah yeesho si uu uga hadlo" ayay tiri Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla.

Wasiirrada Xukuumadda ayay sidoo kale ku eedeysay inay yihiin kuwo booqda saxaafadaha oo keliya, balse aan waxba dalka ka qaban, waxayan ugu baaqday Madaxda Dowladda inay wax qabtaan ama booska ay banneeyaan.

 

"Haddii ay sii wadaan inay ka horistaagaan Baarlamaanka kulammadiisa waxaan u sheegaynaa inay ogaadaan in mid walba uu ka baxayo halkii uu kasoo galay oo ah baarlamaanka" ayay tiri Xildhibaanaddu mar kale.

Dhanka kale, waxay xildhibaanadan ugu baaqeen mudanaayaashii sheegay in xilligii guddoonka baarlamanaka uu dhammaaday aysan isku shuqlin arrimahaas, balse ay marka hore ku dadaalaan inay qabsoomaan kulammada Baarlamaanka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this